Sawirro:-Madaxweynaha Jubbaland Oo Kulan Qaatay Odayaasha Dhaqanka Degmada Dhoobley

0
Wednesday January 16, 2019 - 20:30:53 in Wararka by
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Madaxweynaha Jubbaland Oo Kulan Qaatay Odayaasha Dhaqanka Degmada Dhoobley

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa deegaanka Dhoobley kula kulmay Odayaasha dhaqanka ee deegaanka isagoo sheegay in socdaalkiisa ay ku wehelinayaan xubno katirsan golaha Wasiirada iyo Hay'adaha kale ee Dowlada si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa deegaanka Dhoobley kula kulmay Odayaasha dhaqanka ee deegaanka isagoo sheegay in socdaalkiisa ay ku wehelinayaan xubno katirsan golaha Wasiirada iyo Hay'adaha kale ee Dowlada si ay shaqooyinka halkan kasocda u dardar galiyaan. Madaxweynahu wuxuu sheegay in wax badan laga qabtay deegaankan balse waysan ahayn in la is dhigto oo howlaha harsan lasii dardar galiyo oo ay ugu muhiimsan yihiin amniga iyo kor u qaadista Nolosha Bulshada. Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaa kale oo uu sheegay in dib u xoraynta wadanka ay qayb ka tahay safarkiisa oo looga baahan yahay dadka deegaanku in ay ka qayb qaataan garabna siiyaan Ciidamada Dowlada ee diyaarka u ah xoraynta wadanka.

 
Madaxweynahu wuxuu sheegay in howlgal la mid ah kii lagu xoreeyay inta badan Jubbaland la qaadayo loona baahan yahay abaabul guud iyo in si guud looga wada qayb qaato wuxuu sheegay in Dhoobley ay macno weyn u leedahay xoraynta wadanka dhamaan Bulshadana looga baahan yahay in ay arintaas u diyaar garoobaan.

Dhismaha Jubbaland ayuu sheegay Madaxweynahu in ujeedka laga lahaa ay ahayd in hanaan maamul oo waara la iskana dhaxlo la helo oo laga boxo in deeganadan ay dhibkii iyo burburkii ayna dib ugu noqon taas oo wax wanaagsn oo hirgalay ah qof walbana waxtar u leh.

Odayaasha dhaqanka deegaankan ayuu Madaxweynahu ku amaanay sida ay ugu dadaaleen wada noolaanshaha dadka deegaanka iyo sidii ay horay ugu sii amba qaadi lahayeen Noloshooda iyo Hormarkooda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip