Sawirro:-Muwaadiniin Reer Galbeed Ah Oo Ka Mid Noqday Dadkii Lagu Dilay Weerarkii Nairobi

0
Wednesday January 16, 2019 - 20:09:00 in Wararka by
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Muwaadiniin Reer Galbeed Ah Oo Ka Mid Noqday Dadkii Lagu Dilay Weerarkii Nairobi

    Wararka hordhaca ayaa waxay sheegayaan inay Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab weli ka dhex dagaalamayaan Dhismaha Hotelka Dusit complex oo ku yaalla bartamaha caasimadda dalka Kenya ee Nairobi. Dagaalamayaasha Alshabaab waxay galabnimadii shalay wee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka hordhaca ayaa waxay sheegayaan inay Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab weli ka dhex dagaalamayaan Dhismaha Hotelka Dusit complex oo ku yaalla bartamaha caasimadda dalka Kenya ee Nairobi. Dagaalamayaasha Alshabaab waxay galabnimadii shalay weerar ku biloqday qaraxyo ku galeen Dhismaha Hoteelkaasi oo ka kooban 7-dabaq, isla markaana ay ku yaallaan dhismo Xafiisyo ay leeyihiin Hay'addo Caalami ah. Ciiddanka Khaaska ee Milliteriga iyo Boliska Kenya ee GSU iyo kuwo Caddaan oo ay ku jireen Maraykanka iyo British ayaa ka qeyb galay Hawlgalka lagu samata-bixinayey dadkii ku go'doomay dhismaha Hotelka Dusit complex. Tirada Dagaalamayaasha Alshabaab ee gudaha u galay Hotelkaasi ayaa waxay wararku sheegayaan inay ilaa 6 qof yihiin, inkastoo Muuqaal ay Kameerooyinka Qarsoon (CCTV)ee ku rakiban nawaaxiga Hotelkaasi laga arkayey 4 Dagaalame oo orod kaga gudbayey Barxadda gaadiidka la dhigto ee Hotelka abaarihii 3-dii iyo barkii galabnimo ee shalay. Ciiddanka Kenyanka iyo kuwa shisheeyaha waxa la sheegay inay weli ku jiraan Hawlgalka aroornimadii sakaayto, inkastoo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Fareed Matiyaani xalay abaarihii 11-kii fiidnimo sheegay in ay ciiddanka la wareegeen dhamaan dhismaha Hotelka la weeraray.

 
Balse, wax yar kadib, hadalkiisa waxaa rasaas laga maqlayey gudaha Hotelka, iyadoo Korantadii laga wada jaray Hotelkaas.

Inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacinin tirada guud ee dadka ku geeriyooday Weerarkaasi, haddana warar hordhac ayaa xaqiijinaya in 15 qof lagu dilay Iska horimaadka weli ka socda Hotelka Dusit complex ee magaalladda Nairobi.

11 Kenyan, qof u dhashay Maraykanka, mid u dhashay Britain iyo 2 kale oo aan weli la aqoonsanin ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay weerarkaasi,

Sarkaal u hadlay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxa u uxaqiijiyey in mid ka mid ah Muwaadiniintooda ka mid yahay dadka lagu dilay weerarka ay Alshaabaab ku qaadeen Hotelka Dusit complex ee magaalladda Nairobi.

Sarkaalkaasi waxa uu sheegay inay Dowladda Kenya ka heleen Codsi si looga taageero Hawlgalka weli ka socda Dusit complex ee magaalladda Nairobi, isla markaana ay kala shaqeynayaan sidii loo ogaan lahaa haddii ay dad kale oo Maraykan ah waxyeello ka soo gaartay Weerarkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in dhamaan Diplomaasiyiinta Maraykanka bad-qabaan.

Dowladda Spain waxay iyadana shaacisay in mid ka mid ah Muwaadiniintooda ku dhaawacmay weerarka ka dhacay Nairobi.

Si kastaba ha ahaatee, Hotelka Dusit complex waxa uu 2 KM u jiraa Xarunta laga dukaamaysto ee Westgate Mall oo ay Alshabaab weerareen sannadkii 2013-kii, iyadoo ay 67 qof ku geeriyootay weerarkaasi oo dhowr maalmood qaatay.

 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip