Afhayeenka Booliska oo ka hadlay sababta loo xiray Gabar la dhalatay Xildhibaan Muna Kay

0
Wednesday January 16, 2019 - 10:29:19 in Wararka by
  • Visits: 344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Booliska oo ka hadlay sababta loo xiray Gabar la dhalatay Xildhibaan Muna Kay

    Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa ka warbixiyay sababtii loo xiray gabar la dhalatay Xildhibaan Muno Khaliif Abuu (Muna Kay) oo lagu soo eedeeyay inay gacan u qaatay Xildhibaan Luul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa ka warbixiyay sababtii loo xiray gabar la dhalatay Xildhibaan Muno Khaliif Abuu (Muna Kay) oo lagu soo eedeeyay inay gacan u qaatay Xildhibaan Luul.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in shalay ay Booliska u soo dacwootay Xildhibaan Luul Cabdi Aadan oo ka dacwooneysa eedeysane Maryan Khaliif Abuu oo la dhalatay Xildhibaan Muna Kay, waxaa uu tilmaamay in Xildhibaan Luul ay aheyd dhibane dhaawac ka gaaray wejiga gacan ka hadalka dhex maray, sidaas loogu diray warqad caafimaad, iyadoo Booliska ay soo xireen Maryan Khaliif Abuu.

Intaas kaddib ayaa waxaa isla shalay damiin lagu sii daayay Maryan Khaliif Abuu oo la dhalatay Xildhibaan Muna Kay, waxaana saakay Xildhibaanadda iyo walaasheed oo ka dhoofayay Muqdisho, kuna sii jeeday Baydhabo laga qabtay Garoonka Muqdisho, iyadoo xabsi loo taxaabay Maryan Khaliif Abuu, maadaama damaanad lagu sii daayay.

Dagaalka gacan ka hadalka ayaa dhex maray labada Xildhibaan oo kala ah Muna Kay iyo Luul Cabdi Aadan, kaddib markii uu dhamaaday fadhigii Baarlamaanka ee muranka badan hareeyay ee lagu ansixiyay Xeerka Maamulka Bangiga Dhexe.

Sheekada ku saabsan dagaalka labada Xildhibaan ayaa qabsaday baraha bulshada, waxaana dad badan ku jahwareereen sida wax u dhaceen, maadaama Xildhibaan Muna Kay ay ku doodeysay in awood loo adeegsaday walaasheed la xiray, kaddib markii ay diiday xeerkii bangiga Dhexe, sidaas walaasheed lagu xiray, markii Xildhibaano haween ah ay isku dagaaleen banaanka Xarunta Baarlamaanka, walaasheed ay u timid inay kala dhex gasho.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip