Muwaadiniin u dhashay Mareykan iyo Britain oo ka mid ah dadkii lagu dilay weerarka Nairobi

0
Wednesday January 16, 2019 - 10:19:07 in Wararka by
  • Visits: 321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadiniin u dhashay Mareykan iyo Britain oo ka mid ah dadkii lagu dilay weerarka Nairobi

    Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerar gelinkii dambe ay dabley hubeysan ku qaadeen Hotel caan ah iyo dhismayaal ka ag dhow oo ku yaala 14 Riverside ee deegaanka Westland ee galbeedka magaalada Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerar gelinkii dambe ay dabley hubeysan ku qaadeen Hotel caan ah iyo dhismayaal ka ag dhow oo ku yaala 14 Riverside ee deegaanka Westland ee galbeedka magaalada Nairobi.

Ugu yaraan 15 ruux ayaa illaa hada la xaqiijiyay inay lagu dilay weerarka, 11 ka mid ah dadkaas waxay ahaayeen Kenyan, halka labo kale ay ahaayeen Muwaadiniin u dhashay Mareykan iyo British.

Sidoo kale dadka ku dhintay weerarka waxaa ku jira labo wiil oo Soomaali walaalo ah, kana shaqeynayay Hey’adaha sama Falka, kuwaasoo ka soo jeeda magaalada Wajeer.

Warbaahinta Kenya ayaa soo warineysa in weli rasaas laga maqlayo hotelka Dusit oo ay galeen dableyda, waxaana howlgalka uu socdaa in ka badan 12 saacadood.

Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa weli la dagaalamaya dableyda hubeysan, waxaana saraakiisha ammaanka ay sheegeen inay xakameeyeen goobta oo ay amnigeeda sugeen, welina uu socdo howlgalka.

Rasaas iyo qaraxyo ayaa saaka aroortii laga maqlayay dhismaha ay ku jiraan dableyda hubeysan, waxaana xaalada ay tahay mid weli cakiran.

Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab oo la hadlay wakaaladaha wararka ayaa sheegay in illaa 47 ruux ay dileen, oo ay ku jiraan caddaan, isla markaana ay weli heystaan dhismaha ay weerareen.Ciidamada Kenya oo howlgal ka wado dhismaha weerarka lagu qaaday




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip