Muuqaalka raggii weeraray Hotel ku yaalla Nairobi oo la soo bandhigay

0
Wednesday January 16, 2019 - 10:07:03 in Wararka by
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuqaalka raggii weeraray Hotel ku yaalla Nairobi oo la soo bandhigay

    Kaamirada Qarsoon ayaa qabatay afar ka mid ah dableydii weerartay Hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, iyadoo weli ay gudaha ugu jiraan Hotelka. Dableydan oo ahaa afar rag oo ku hubeysan qoryaha AK47 ayaa labo jiho ka galay Hotelka caanka ah ee Dus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaamirada Qarsoon ayaa qabatay afar ka mid ah dableydii weerartay Hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, iyadoo weli ay gudaha ugu jiraan Hotelka. Dableydan oo ahaa afar rag oo ku hubeysan qoryaha AK47 ayaa labo jiho ka galay Hotelka caanka ah ee Dusit, waxaa ay bilaabeen inay rasaas ku furaan dadkii fadhiyay maqaayadda Hotelka. Baraha Bulshada ayaa la soo geliyay muuqaalka dableyda oo rasaas ku furaya gaari, sidoo kale ay labo jiho kala aadayaan, waxay ahaayeen kuwo aad u hubeysan oo isku dareys ahaa,

Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa weli la tacaalaya kooxda hubeysan ee gudaha ugu jirta Hotelka, waxaana mararka qaar Hotelka laga maqlayaa rasaas goos goos ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya oo goor dhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay Ciidamada gacanta ku hayaan dhammaan dhismaha hotelka, Sidoo kale Taliyaha Booliska ayaa sheegay in ciidamada ammaanka gacanta ku hayaan lix dabaq.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay ku dishay weerarka illaa 47 ruux, inkastoo warbaahinta Kenya ay sheegayaan in 3 qof kaliya ku dhimatay, halka tobaneeyo kalena dhaawacmeen.

Weerarka Hotelka Dusit ee ku yaalla deegaanka Westland ee magaalada Nairobi ayaa ku soo aaday saddex sano kaddib weerarkii Al-Shabaab ku qaaday xero ay Ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde, sidoo kale Al-Shabaab ayaa lix sano ka hor weeraray Xarunta Ganacsiga ee Westgate.

 
3of 8
 
 
 
 
 
 
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip