Trump oo jeebkiisa ka bixiyay kharashka munaasabad ka dhaceysay Aqalka Cad

0
Wednesday January 16, 2019 - 09:59:57 in Wararka by
  • Visits: 451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo jeebkiisa ka bixiyay kharashka munaasabad ka dhaceysay Aqalka Cad

    Madaxweynaha ayaa sheegay in kharash la'aanta ay u xirmeen hawlaha dowladda ay sabab u tahay in dadkii munaasabaddaasi yimid la siiyo cunno fudud oo aan horey halkaasi looga baran. Trump ayaa xafladdaasi ku soo dhawaynayay kooxda Clemson Tige

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha ayaa sheegay in kharash la'aanta ay u xirmeen hawlaha dowladda ay sabab u tahay in dadkii munaasabaddaasi yimid la siiyo cunno fudud oo aan horey halkaasi looga baran. Trump ayaa xafladdaasi ku soo dhawaynayay kooxda Clemson Tigers oo dhawaan ku guuleysatay tartanka kubadda cagta ee mac'hadyada dalkaasi, waxaana miiska la soo saaray cunnooyinka fudud ee burka ka sameysan. "Sababao la xiriira xiritaanka hawlaha dowladda awgood……waxaan dalbannay cunnooyinkan fudud oo aan anigu bixinayo kharashka ku baxaya," ayuu yiri Trump.

usaLahaanshaha sawirkaEPA Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Aqalka Cad ee dalkaasi looga arrimiyo ku qabtay xaflad dadkii ka soo qeybgalay lagu soo dhaweeyay cunnooyinka fudud ee burka ka sameysan.



nta badan hawlaha dawladda dhexe ee Mareykanka ayaanan shaqeynayn sababo la xiriira dhaqaale la'aan ka dhalatay muranka hareeyay miisaaniyadda dowladda.

Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay qiyaastii 800,000 oo qof oo ah shaqaalaha dowladda, gaar ahaan kuwa madaxtooyada oo qaarkood lagu khasbay in ay shaqada fasax ka qaataan ama xitaa ay mushaar la'aan shaqeeyaan muddo 24 maalmood ah.

Madaxweyne Trump ayaa diidan in uu saxiixo miisaaniyadda dowladda, ilaa iyo inta miisaaniyaddaasi looga soo darayo kharashka dhismaha gidaarka uu Trump doonayo in uu ku kala xiro xudduudda u dhaxeysa Mareykanka iyo Mexico.

Balse xildhibaannada xisbiga dimuquraadiga ayaa ku gacan seyray ku dhawaad lixda bilyan ee doolar ee madaxweynuhu doonayo in lagu kharash gareeyo dhismaha darbigaasi.

Inta badan hawlaha dowladda dhexe ayaa xirnaan doono, waxaana shaqaalaha qaar ee sida kuwa maamula duulimaadyada hawada dalkaasi iyo sirdoonka ayaa shaqadooda sii wadan doono mushaar la'aan ilaa iyo inta laga soo afjarayo muranka hareeyay miisaaniyadda dowladda.

usaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

"Waxaan haynaa Pizzas, waxaan haynaa ilaa 300 oo ah hambeegar, iyo waxyaabo badan oo ah cunnooyinka aan jecelnahay," ayuu yiri Trump oo martigelinayay xafladdaasi.

"Waxaan rabaa in aan ogaado waxa halkan ku soo haraya marka aan xafladda bogno, sababtoo ah ma filayo in wax badan ay soo hari doonaan," ayuu yiri.

Trump oo la weydiiyay in uu shaaciyo nooca cuntada uu ugu jecelyahay ayaa sheegay in cunnada goobta tiilay oo dhan uu jecel yahay.

"Haddii cunnadaasi tahay cunno Mareykan, waa aan jeclahay. Dhammaan cunnooyinkani ayaa ah kuwada dalkani Mareykanka," ayuu ku jawaabay.

Ilaa iyo haatan ma cadda kharashka uu madaxweyne Trump ku bixiyay cunnadaasi balse waxa uu sheegay in uusan doonayn in uu dib u dhigo munaasabaddaasi sababo la xiriira xirnaashaha hawlaha dowladda awgood.

usaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Horraantii shalay ayaa madaxweyne Trump waxa uu dad beeroley ah oo ka qeybgalayay shir ka dhacayay New Orleans uu u sheegay in uu sii wadi doono dedaalka uu ugu jiro dhismaha derbiga uu ku kala xirayo dalkiisa iyo Mexico.

"Marka ay timaaddo ammaanka shacabka dalkani Mareykanka, waligey marnaba dig uga laaban mayo," ayuu yiri Trump.

Dhanka kale, waaxda gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa sheegtay in ilaa bisha Sebteembar uu gaarayo hawlgalka militariga dalkaasi ka waddo xudduuda Mexico.

Kumannaan askari ayaa bishii Nofeembar la geeyay xudduudda labada dal, waxaana ujeedadu ahayd in hawlgalka ciidankaasi la soo gabagabeeyo bishii Diseembar ee la soo dhaafay.

Hawlgalkaasi ayaa dhawr jeer muddo kordhin loo sameeyay kadib codsi ka yimid waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip