Ciidammada Kenya oo weli wada howlgal lagu soo afjarayo weerrarkii Nairobi

0
Wednesday January 16, 2019 - 09:52:02 in Wararka by
  • Visits: 279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidammada Kenya oo weli wada howlgal lagu soo afjarayo weerrarkii Nairobi

    Ciidammada ammaanka ee Kenya ayaa weli iskudayaya inay soo gebagabeeyaan weerrar ay caasimadda Nairobi ku soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab. Afar nin ayaa waxa ay bartilmaameedsadeen dhismayaal ka kooban hoteel iyo xafiisyo iyagoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidammada ammaanka ee Kenya ayaa weli iskudayaya inay soo gebagabeeyaan weerrar ay caasimadda Nairobi ku soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab. Afar nin ayaa waxa ay bartilmaameedsadeen dhismayaal ka kooban hoteel iyo xafiisyo iyagoo la dhacay qaraxyo iyo rasaas.

In ka badan laba iyo toban saacadood kaddib, waxaa weli la maqlayaa dhawaqa rasaas iyo qaraxyo walow dowladda Kenya ay sheegaytay in ciidamadeeda ammaanka ay dib ula wareegeen gacan ku haynta goobtaasi.

In ka badan 100 qof ayaa la soo badbaadiyay xalay saqdii dhexe waxaana la geeyay goob maskaxda loogu dajinayo, waxaananse weli kala caddeyn tirada dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba.

Ururka Islaamiga ah ee Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama ayaa sheegtay inuu ka dambeeyay weerrarka.

Taliyayaha booliska Joseph Boinett ayaa sheegaya in qof isa soo miidaamiyay uu hoteelka ka soo galay albaabka, sidaana ay ugu fududaatay in ragga hubeysan ay gudaha u galaan.



Ilaa haatan lama shaacin khasaaraha dhabta ah ee weerarkaasi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip