Duqa Muqdisho oo Guddoomiye kuxigeen cusub u magacaabay Degmada Yaaqshiid

0
Tuesday January 15, 2019 - 19:34:16 in Wararka by
  • Visits: 299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho oo Guddoomiye kuxigeen cusub u magacaabay Degmada Yaaqshiid

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa C/fataax Axmed Cali u magacaabay Guddoomiye kuxigeenka ammaanka iyo siyaasadda Degmada Yaaqshiid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa C/fataax Axmed Cali u magacaabay Guddoomiye kuxigeenka ammaanka iyo siyaasadda Degmada Yaaqshiid.

Warqada ka soo baxday xafiiska Duqa Muqdisho ee lagu magacaabay Guddoomiye kuxigeenka cusub ayaa waxaa la ogeysiiyay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid, Xoghayaha Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye kuxigeenada Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa C/fataax Axmed u rajeeyay inuu si wanaagsan u guto xilka cusub ee loo magacaabay.

C/fataax Axmed Cali oo ah nin dhalinyaro ah ayaa maalinta berri ah xilka kala wareegaya Mahad Diiriye Cabdi oo horey xilkan u hayay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmahan dambe wuxuu waday isbedel uu ku sameynayo masuuliyiinta Degmooyinka Gobolka Banaadir, si loo dardar geliyo shaqooyinka loo hayo shacabka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip