Xilliga Ramsey uu saxiixi doono heshiiska Juventus

0
Tuesday January 15, 2019 - 19:28:45 in Wararka by
  • Visits: 681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xilliga Ramsey uu saxiixi doono heshiiska Juventus

    Xiddigga khadka dhexe ee kooxda Arsenal, Aaron Ramsey ayaa qalinka ku duugi doono heshiiskiisa ugu horreeya ee Juventus maalinta Jimcaha ah ee soo aaddan. Tuttosport ayaa ku warramaysa in Ramsey uu saxiixi doono heshiis shan sano ah, kaasoo uu ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddigga khadka dhexe ee kooxda Arsenal, Aaron Ramsey ayaa qalinka ku duugi doono heshiiskiisa ugu horreeya ee Juventus maalinta Jimcaha ah ee soo aaddan. Tuttosport ayaa ku warramaysa in Ramsey uu saxiixi doono heshiis shan sano ah, kaasoo uu ku qaadan doono mushaar dhan €7.5m xilli ciyaareedkii.

wargeyska ka soo baxa Turin ayaa aaminsan in Juve ay la wareegeyso laacibka reer Wales bishan inta aynu ku gudo jirno, balse aysan bixin doono lacgta Gunners ay dalbaneyso oo ah €20m.

Bianconeri ayaa diyaarineysa qorsho ay Arsenal kaga dhaadhicineyso in qiimo intaas ka yar ay ku dhammeystiraan saxiixiisa, ama ay sugaan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan si xagaaga ay bilaash ugu soo qaataan.

28-jirkan ayaa heshiiska uu Emirates ku joogo waxa uu dhammaan doonaa xilli ciyaareedkan isagoo si bilaash ah kaga tagi doono Arsenal.

Horraan ayay labada dhinac isku af garan waayeen heshiis cusub oo uu kusii joogo wuqooyiga London.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip