Muxuu ahaa baaritaanka FBI-da?

Sida uu qoray wargeyska, shakiga FBI-du waxa u xoogaystay kaddib markii uu Mr Trump xilkii ka qaaday agaasimihii hay'addaasi, James Comey, bishii May 2017.

Baaritaanka FBI-da ayuu wargeyska New York Times ku warramayaa inuu la wareegay golaha gaarka ah ee wasaaradda cadaaladda ee uu hogaaminayo Robert Mueller.

Mr Mueller ayaa waxa uu hogaaminayaa baaritaan socda oo lagu ogaanayo in ololihii Mr Trump uu qeyb ku lahaa galaangalkii Kremlin-ka uu ku yeeshay doorashooyinkii madaxtinimada ee 2016.

Mar bannaanka Aqalka Cad Isniintii lagu waydiiyay inuu Ruushka u shaqeeyo, ayuu Mr Trump markiiba horay ka diiday arrintaasi ka hor inta uusan ku darin: "Waxaan filayaa inay ceeb tahay inaad xitaa su'aashaas i waydiisid balse waa been abuur un."

Labada hogaamiye ayaa waxa ay kulan gaar ah yeesheen intii uu socday shirkii G20 ee Humburg 20017Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES Image captionLabada hogaamiye ayaa waxa ay kulan gaar ah yeesheen intii uu socday shirkii G20 ee Humburg 20017

Madaxweynaha ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa su'aal noocaas oo kale ah waxaa Sabtidii waydiiyay weriye ka tirsan Fox News, taas oo uu madaxweynuhu ugu yeeray "caydii ugu darneyd ee abid la I waydiiyay".

Wargeyska New York Times ayaa waxa ay warbixinteeda ku sheegtay in aanay jirin wax caddeyn ah oo si buuxda u soo shaacbaxay oo tilmaamaya in Mr Trump uu amar ka qaatay saraakiil ka tirsan dowladda Ruushka.

Isniintii, madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in xilkii uu ka qaaday Mr Comey uu ahaa "howl weyn oo uu dalkayaga u qabtay".