Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galaya Caleemo Saarka Laftagareen

0
Tuesday January 15, 2019 - 10:21:46 in Wararka by
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galaya Caleemo Saarka Laftagareen

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in Saacadaha soo socda uu u ambabaxo Magalada Baydhabo ee Xarunta KMG u ah Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. U jeedka safarka Madaxweynaha ee Baydhabo ayaa lagu sheegay in uu halk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in Saacadaha soo socda uu u ambabaxo Magalada Baydhabo ee Xarunta KMG u ah Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. U jeedka safarka Madaxweynaha ee Baydhabo ayaa lagu sheegay in uu halkaasi uga qeybgeli doono caleemo-saarka Madaxweynaha Cusub ee Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen) Madaxweynaha ayaa waxaa wehlin doona Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada,kuwaas oo dhamaantooda ka qeybgeli doona caleemo-saarka.

 
Maalin ka hor ayaa waxaa Baydhabo tagtay Diyaarad siday Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada Madaxtooyada,kuwaas oo horudhac u ah safarka Madaxweynaha uu ku tegi doono Magalada Baydhabo.

Wararka aan ka heleyno Magalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Magalada Baydhabo ay ka socoto diyaar garoowga soo dhaweynta Madaxweynaha iyo qaban qaabada Xaflada Caleemo-saarka oo la filayo inay dhacdo 16 Bishaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen) ayaa Magalada Baydhabo waxaa lagu doortay 19-ki Bishii December sanakii tegay ee 2018.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip