HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA TALAADO 15-KA JANNAAYO 2019-KA

0
Tuesday January 15, 2019 - 09:45:41 in Wararka by
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA TALAADO 15-KA JANNAAYO 2019-KA

    MADAXWEYNE FARMAAJO OO WEERAR AFKA AH KU QAADAY XILDHIBAANADII MOOSHINKA KA KEENAY Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mooshinkii laga keenay Madaxweynaha ee markii dambe x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WEERAR AFKA AH KU QAADAY XILDHIBAANADII MOOSHINKA KA KEENAY Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mooshinkii laga keenay Madaxweynaha ee markii dambe xal laga gaaray. Waxa uu sheegay in xilligii mooshinkaas laga keenay uu xiriir la sameeyay Guddo omiyaha Golaha Shacabka,isla markaana uu u sheegay in mooshinkaas ay ka damb eeyeen kooxda Qabyo oo uu ula jeeday Xildhibaanada taageersan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

"Markii mooshinka la iga keenay ee aan la xiriiray guddoomiyaha Baarlamaanka waxa uu ii sheegay in moo shinka ay ka dambeeyeen xildhibaanada Qabyo,qaarkood ay ku jiraan saxiixyo laga been abuurtay oo Xil dhibaano dibada ku maqan ay ku jiraan,ana waxaan u sheegay mooshinka inuu qabyo yahay maadaama wax walba ay qabyo uga tagaan ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

IMG-20190115-WA0005

Isaga oo khudbad ka jeedinayay Madaxweynaha yuu sheegay in Guddomiyaha uu u sheegay in Xildhibaa nada mooshinka keenay ay doonayaan in lagu daro guddiga hanta soo celinta,si ay isugu soo dhaweeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Marka laga soo hadalka Madaxweynaha ayaa waxaa jira tiro Xildhibaano ah oo aan ku qanacsaneyn Siyaasada dowladda Federaalka Soomaaliya,kuwaas oo la aaminsan yahay inay xiriir dhow la leeyiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

9kii Bishii December sanadkii tegay ee 2018 ayaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka waxa ay madaxweynaha ka gudbiyeen mooshin ka dhan ah,waxaana xilligaas dalka uu galay qalqal siyaasadeed oo ugu dambeyn saameeyey Xildhibaanada Golaha Shacabka.

GUDDOOMIYE MURSAL” GOLAHA SHACABKA UMA DHISNAA DUMINTA XUKUUMADDA”

muuuurssaalGuddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan sheegay in Golaha Shacabka aysan aheyn Hay’ad loogu tala galay in ay hor istaagto shaqooyinka Xukuumadda ama ay dumiso.

Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay Ogaadaan in Golaha Shacabka ay yihiin Hay’ad Sharci dejin ah oo loogu tala galay in ay la xisaabtanto Xukuumadda Soomaaliya.

Kalfadhiga soo socda ayuu sheegay in ay xooga saari doonaan la xisaabtanka xukuumadda Soomaaliya iyo waliba meelmarinta Sharciyadda doorashooyinka Qaranka.Mursal ayaa xusay in Xukuumadda Soomaaliya looga fadhiyo soo gudbinta sharciga doorashooyinka Qaranka iyo in Afti dadweyne loo qaado dastuurka ka hor inta aan la gaarin doorasho qof iyo cod ah.

XILDHIBAANADA GOLAHA SHACABKA OO ANSIXIYAY XEERKA MAAMULKA BANKIGA DHEXE

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka JFS ayaa meel mariyay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka bedel lagu sameeyay. 158Xil dhibaan ayaa ogolaatay, halka 17xildhi baana ay diideen, waxaana sidaasi an sax ku noqday xeerka wax ka bedelka Maa mulka Bangiga Dhexe.

Sidoo kale xildhibaanada Golaha shac abka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda shalay ku ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS ayaa dardar gelina ya ansixinta sharciyada muhiimka ah ee horyaala, taasi oo cadeyn u ah howlaha ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

XILDHIBAAN ZAKARIYE: BANAGIGA DHA XE HADII LAGA DHIGO AJANBI,KITAAB KEE LAGU DHAARINAYA”

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xa aji Cabdi ayaa sharci darro ku tilmaamay wax ka bedelka Xeerka Bangiga Dhexe, isagoo ku eedeeyay Guddoonka iyo Ba arlamaanka in si aan waafaqsaneyn xee rarka dalka loo ansixiyay.

Waxaa uu sheegay in si boobsiis ku jirto loo meel mariyay xeerkaas, iyadoo ay aheyd in Baarlamaanka uu ka doodo, isla markaana uu maro saddex akhrin.

Sidoo kale waxaa uu is weydiiyay qofka ajnabiga ee loo magacaabi rabo Gudd oomiyaha Bankiga Dhexe kitaabka lagu dhaarinayo, maadaama aanu Muslim ah eyn sida uu hadalka u dhigay.

"Xukuumadda ninka ajnabiga ee ay rabto inay Guddoomiyaha Bangiga Dhe xe u magacaabato Kitaabkee lagu dhaa rinayaa, inlee Guddoomiyaha Bangiga Dhexe marka la magacaabo waxaa lagu dhaariyaa dalka dadka iyo diinta”ayuu yiri Xildhibaan Zakariye oo intaa ku dar ay in laga booday xeerkii 1960 ee ah mu hiimada uu leeyahay qofka Soomaaliga iyo xuquuqda uu u leeyahay in shaqo la siiyo.

Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in go’aanka shalay uu gaaray Baarlama anka ay la mid tahay tii Qalbi Dhagax lo ogu gacan geliyay Itoobiya. Waxaa uu sheegay in marar badan uu ka aamusay qaladaad badan oo dalka laga galay, isa goo tilmaamay in haatan ay bilaabatay in Badda la bixiyo oo leesano la siiyo, si lagu xaalufiyo kalluunka, waxaa uu intaa ku daray in aanay aqbali doono oo ay arrintan ka soo horjeesanayaan.

XIL.DAAHIR AMIIN JEESOW "BANGIGA DHEXE WAXAA LOO DHIIBAYAA GAALKA MIDKA UGU MADOW”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ay aa difaacaya qorshaha la doonayo in Bangiga Dhexe loogu magacaabo nin Ajnabi ah, kaddib markii Golaha wasiirad a ay wax ka bedel ku sameeyeen xeerka Bangiga Dhexe ee la qoray 1960kii.

Daahir Jeesow ayaa sheegay in Bangi ga Dhexe uu hadda ku shaqeeyo nidaa mka qabiilka ee 4.5, isagoo xusay in aan habooneyn oo la badalayo xeerka Ban giga Dhexe.

"Waxaad rabtaan in lagu shaqeeyo qabiil iyo waxaan haboonayn, waa la ba dalayaa Xeerka Bankiga Dhexe”ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Sidoo kale Xildhiba anka ayaa sheegay in Bangiga Dhexe loo dhiibayo xataa Gaalka midka ugu ma dow, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dood kulul ka yeeshay wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe, waxaa qaar ka mid ah Xildhibaanada ku tilmaameen Qi yaano qaran iyo qaran dumisnimo, in qof ajnabi loo magacaabo Bangiga Dhexe, iyadoo laga aamin baxayo qofka muw aadinka ah.

Wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe ayaa aheyd mid Xukuumadda iyo Mad axtooyada ay olole badan u galeen, wax aana Sabtidii la baajiyay kulanka oo laga cabsi qabay inuu kooram la’aan ku furmi waayo, balse 2dii maalmood ee la soo dhaafay dadaal la geliyay sidii Xildhib aanada dalka dibaddiisa ku maqan ay dib ugu soo laaban lahaayeen Muqdi sho, si ay u ansixiyaan wax ka bedelka xeerkaas ay soo gudbisay Xukuumadda.

MADAXWEYINIHII HORE EE PUNTLAND OO CAFIS DALBADAY.

Madaxweynihii hore ee maamulka Pun tland Cwali Maxamed Cali Gaas ayaa shalay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Shacabka Puntland waxa uu ka dalbaday in la cafiyo.

Madaxweyne Gaas ayaa shacabka Puntland waxa uu ka dalbaday iney saa maxaan cid kasta oo wax ka tabaneysa mudadii uu ahaa Madaxweynaha Puntl and. "Dhamaan Shacabka Soomaaliye ed, gaar ahaan shacabka Puntland wax aan ka codsanayaa iney i cafiyaan, cid kasta oo dhib iga tabaneysa, waxaan we ydiisanayaa Cafis”, ayuu yiri Cwali Max amed Cali (Gaas).

Halkaan ayuu ka jeediyay xafladii shalay ka dhacday Madaxtooyada Gar owe ee Puntland ee uu xilka kula war eegayay Madaxweyne Deni.

TURKIGA OO JAWAAB KA BIXIYAY HANJABA AD UGA TIMID DONALD TRUMP

Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga oo lagu magacaabo Ibraahim Kalin wax a uu bartiisa Twitterka kaga jawaab ay hadalkii Trump ku sheegay inay Turkiga muteysan doonaan Cunaqabatayn Dha qaale, haddii ay weeraraan Maleeshiy ada Kurdishka YPG ee ku nool gudaha dalka Syria.

Afhayeenka waxaa kale oo uu sheegay inaysan wax kaladuwanaan sho ah u dhexeynin Kooxda Xagjirka Daacish iyo Maleeshiyadda Badbaada da Dadka Kurdishka ee YPG.

"Waan sii wadi doonaa Dagaalka ka dhanka ah dhamaantooda” ayuu sii raaci yey Afhayeenka Madaxweynaha Turki ga.Sidoo kale, Qiimaha Lacagta Liir aha Turkiga ayaa la sheegay inuu shalay ho os u dhacay marka lagu sarifayo Dol larka Maraykanka.

Arrintan ayaa loo aaneynayaa Dignii ntii Madaxweynaha Maraykanka ku shee gay in Turkiga dhaqaale ahaan u burburi doono, haddii ay Turkiga weeraraan Ma leeshiyadda Kurdishka ee YPG ee ku sugan gudaha dalka Syria.

XIISAD U DHAXEYAS ALSHABAAB IYO DAACISH OO KA TAAGAN BU’AALE.

Wararka ka imaanaya gobolka Jub ada dhexe ayaa soo sheegaya in maan ta halkaasi ay ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa Alshabaab iyo Daacish.

Xiisadaan ayaa salka ku heysa dil Alsh abaab ay halkaasi ugu geesteyn Sarkaal sare oo ka tirsan Daacish. Goob joogay aal ayaa soo sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan uu ka jito gudaha magaalada Bu’ aale ee gobolka Jubada dhexe.

Lama oga halka ay ku dambeyn doon to xiisadda ka taagan Bu’aale ee u dhax eysa Alshabaab iyo Daacish.

SACIID DANI OO JOOJIYAY DAABACAADA LACAGTA KUNKA SHILIN

Warqad kasoo baxday xafiiska mada xweynaha Puntland Siciid Cabdillahi Dani ayaa lagu joojiyay daabacaada lac agta kunka shilin ee Soomaaliga ah taa soo maamulkii isaga ka horeeyay uu soo daabici jiray

GUDDOOMIYAHA G/BANAADIR OO DHAG AX DHIGAY GAROONKA CAEYAARAHA QOOB DOORO EE D/KAARAAN,

Muqdisho:Duqa Muqdisho ahna Gud do omiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa dhagaxdhigay dhismaha Garoonka Cayaaraha Qoobdooro ee De gmada Kaaraan oo si casri ah loo dhisi doono.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa tilm aamay ahmiyadda uu garoonku u leeyah ay cayaaraha iyo iskuxirka dhalinyarada Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in marka la dhameystiro ay ka faa’iideysan doonaan kooxaha kubadda cagta ee Caasimadda.

Duqa Muqdisho waxuu sidoo kale sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay soo nooleynta Isboor tiga iyo in dhalinyaradu ay helaan goobo ay ku soo bandhigaan xirafadahooda ca yaareed.

"Dibudhiska Garoonka Kubadda Cagta Qoobdooro ee Degmada Kaaraan oo loo dhisi doono qaab casri ah wuxuu ka tarjumayaa qiimaha iskuxirka iyo is –dhexgalka bulshadu ay noo leeyihiin, an aguna mar walba waxaan u taaganahay sidii dhalinyarada Caasimaddu u heli lah aayeen goobihii ay xirfadahooda ku soo bandhigi lahaayeen”.

Munaasabadda dhagaxdhigga ay aa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya M/Cabdiqani Siciid Carab, Guddoomiye Kuxigeenada Arrimaha Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda, Arrimaha Bulsh ada, Howllaha Guud iyo masuuliyiin kale oo ka socday Gobolka banaadir.

BANGIGA DHEXE EE SOOMAALIYA GUDDO OMIYE MAKA NOQON KARAA QOF AJNABI AH?

dhagax-dhig garoonka qoobdooro ee kaaraan Waxaa maalmahan aad la isula dhex marayaa in guddoomiyaha Bangiga Dhe xe ee Soomaaliya loo wado in loo maga caabo nin ajnabi ah oo u dhashay dalka Ingiriiska, kaasi oo uu magaciisu yahay Nigel Roberts.

Arrintan oo aysan BBCda ogeyn xaqiiqadeeda ayaa dhalisay hadal heyn badan iyo dood, waxaana jira dad badan oo kasoo horjeeda.Prof Yaxye Caamir oo ah dhaqaalaya han Soomaali ah oo ku sugan M/muq disho ayaa taleefishinka Dalsan u sheeg ay in xeerka bangiga dhexe uu gebi aha anba mamnuucayo in qof aan Soomaali ahayn uu qabto xilka guddoomiyaha ban giga dhexe.

"Qodobka 130naad, qeybtiisa A ee xeerka Bangiga Dhexe ayaa mamnuuca ya in qof aan Soomaali ahayn uu qabto xilka guddoomiyaha bangiga” Ayuu yiri Yaxye Caamir.

Waxa uu intaas ku daray in dastuur ka dalka ee guud uu qabo in shaqo qof Soomaali ah uu qaban karo aanan loo magacaabin qof ajnabi ah.

Balse golaha wasiiradda ayaa baarlam aanka u gudbiyay wax ka badalka xeer ka Bangiga Dhexe, gaar ahaan qodobka 130aad, waxaana war qoraal ah lagu yiri "Iyadoo aan wax loo dhimeyn Sharc iga 130aad, ee 22/04/2012 qodobka 12aad, farqadiisa 1aad, xeerka (a) wax aa loo ogolaaday guddiga xulista xubn aha guddiga Agaasinka Bangiga dhexe ee Soomaaliya in ay soo xuli karaan qof kastaa oo ugu dhibco sareeya, Karti ah aan, Aqoon ahaan, iyo hufnaan intaba guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya”.

Waxaase jira warar aan la xaqiijinin oo sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu ka horyimid in qof ajnabi ah loo maga caabo Bangiga Dhexe.

Maxamed Mukhtaar waa agaasimaha machadka cilmi baarista siyaasadda ee SIPAM, waxa uu BBCda u sheegay in aysan jirin wax baahi ah oo keeni karta in qof ajnabi ah loo magacaabo Bangiga Dhexe, sharcigana uu yahay mid cad oo dhigaya in cid aan Soomaali ahayn loo magacaabi karigan xilkan.

"Bangiga hadda ma qabto shaqooyinkii loogu talogalay, lacag ma daaboco, sarifka ma jaangooyo, sicir waxbo kama oga, kaliya waa bangi kayd oo dowladda ay lacago dhigato, marka maba jirto baahi sidaas usii weyn oo qof ajnabi ah loo soo magacaabo” ayuu yiri Maxamed Muktaar.

Agaasimaha SIPAM oo aan weeydi inay su’aal ahayd waxa laga yeelayo ha ddii Bangiga Adduunka iyo hay’adaha maaliyadda caalamiga ah ay dowladda Soomaaliya shuruud kaga dhigaan in qof ajnabi ah xilkan loo dhiibo si lacaga ha la siinayo loogu aamino ayuu yiri "ma qabo in ay jirto horta shuruudaas, balse haddii ay jirto waa midab takoor, waana arrin lagu qabsan karo Bangiga Addu unka”.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro war rasmi ah oo dowladda kasoo baxay oo ku saabsan xulashada la sheegay in Ni gel Roberts loo wado Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Hadda ba waa maxay shuruudaha laga doona yo qofka qabanaya guddoomiyaha ban giga dhexe

Waa inuu noqdaa qof hufan oo:

2.Soomaali ah.

3.Heysta shahaado ama aqoon u dhiganta oo nidaamka maaliyadda, lacagta iyo guud ahaan xisaabaadka. 4.In aaney wax ka hor istaagaya sida ku qoran, qodobka 14aad ee xeerkan

(2).Heerka Aqoonta iyo Waayo Aragn imo Shaqo ee guddoomiye bangi ama kuxigeen isaga oo aan heysan

1.Shahaado Jaamacadeed oo xagga maaliyadda, sharciga, lacagaha iyo dha qaalaha la xiriirta.

2.Qof aan heysan khibradka yar 12 sano

3.Waa inuu maamul ka soo qabtay hey’ado maxali ah iyo dowli ah…. Xigasho BBC SOMALI.

DIBADBAXAYAAL KA CARAYSAN SOMALI OO XIRTAY WADADA ISKU XIRTA DALALKA ETHIOPIA IYO JABUUTI

Dibadbaxayaal ka soo jeeda Maa mulgobaleedka Cafarta ay shalay xire en Waddada weyn isku xirta Ethiopia iyo Jabuuti, isla markaana ah jidka ugu we yn ee ay maraan badeecadaha la dhoo finayo iyo kuwa la soo dejinayo.

Wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa M/Addis Abeba ayaa qoray in ay Dibadbaxayaasha Cafarta codsanay aan in la soo afjaro waxa ay ku sheeg een shilal rabshado wata oo ay dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay geysteen Koox Soomaali ah oo ka soo jeeda Qabiilka Ciisaha.Dibadbaxayaasha waxay sheeg teen in rabshadahaasi lagu dilaydad ba dan oo Cafar ah, isla markaana hanti ba dan la burburiyey.

Jidka la xiray ayaa la sheegay inuu u dhexeeyo magaallooyinka SEMERA iyo Awaash. Sawiro laga soo qaaday Jidgo oyadda taalla Waddadaasi ayaa muuji naya dhowr Gaadiidka Xamuulka oo waddada taagan.

Sidoo kale, Jidgooyadaasi waxay waxy eello u geysatay waddada xadiidka ee ay isticmaalaan Tareenadda u kala goo sha dalalk Ethiopia iyo Jabuuti

Dhinaca kale, Dibadbaxayaasha Qo wmiyadda Cafarta waxay sheegeen inay san ku faraxsanayn Go’aankii DF.Ethio pia ee Ciiddanka Khaaska ee Cafarta lo oga saaray Deegaanadda ay rabshadu hu ka dhaceen.

dibadbaxayaasha Cafarta waxay ka loo codsanayaan in Deegaanadooda la ga daadgureeyodadka ka soo jeeda Beesha Ciisaha ee Soomaalida ee ay isla degaan.

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA HIIRAAN OO BEENIYAY EEDEYN LOO JEEDIYAY

Guddoomiyaha G/ Hiiraan Yuusuf Ax med Hagar (Dabageed) oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay in uu qeyb ka yahay hurinta dagaal Beeleedyo dhawaan ka dhacay degmada Maxaas ee gobolkaasi.

Yuusuf Dabageed ayaa hoosta ka xa riiqay in eedeymahaasi ay maamulkiisa u jeediyeen dad dano gaar ah ka leh co laada ka taagan gobolka Hiiraan ee bart amaha Soomaaliya.

Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa ka hadlay meesha ay marayaan dadaallada nabadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadahaasi.

Waxaana uu ugu baaqay Odayaa sha dhaqanka iyo siyaasiyiinta matala Beelaha dagaalamaya in ay ka run she egaan dadaallada nabadeed ee haatan socda. Xaaladda deegaanada dhawaan lagu dagaalamay ayaa ah mid dagan, in kastoo weli xal dhab ah laga gaarin cola adaasi.

KENYA OO SII DEYSAY MUWAADIN SOOMAALIYEED

Maxkamad ku taalla magaalada Nai robi ee xarunta Kenya ayaa shalay sii deysay muwaadin Soomaaliyeed oo loo heystay ku lug lahaanshaha weerarkii Wastegate Mall oo Al Shabaab sanadkii 2013kii AY ku qaadeen xaruntaasi.

Guddoomiyaha maxkamadda Nai robi Francis Andayi ayaa amray in la la fasaxo mid ka mid ah 4 eedeysane oo u xiran weerarkaasi, kaas magaciisa lagu sheegay Aadan Dheeg.

Eedeysanayaasha kale ayaa lagu kala magacaabaa Axmed Cabdi, Liibaan Cumariyo Xuseen Mustafa, waxaana Xeer ilaalintu ay xustay in dacwadooda ay markale dhageysan doonto 21 bish ani Janaayo.

Sidoo kale xeer ilaalinta Kenya ayaa ku eedeysay raggani in ay xiriir toos ah ay la leeyahay Xarakada Al Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn eedeysanayaashani ayaa la sheegay in ay qabteen Kaamirooyinka wax basaasa , xilli ay gudaha ugalaye en Mallkaasi intii uu socday weerarka asi. Weerarkii Westigate Mall oo dhacay 21 bishii September ee 2013kii ayaa waxaa ku geeriyooday 67 qof , halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

WASIIR BEYLE”WAXAAN RAJEYNAYNAA IN DEYMAHA NALAKA CAFIYO SANADKAN”

westgate-pic (1) Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasi irka Maaliaydda Somaaliya oo warbaah inta u qabtay shir jaraa’id bille ah waxaa uu ku faah faahiyay waxyaabihii u qab soomay wasaaradda Maaliyadda sanad kii tagay 2018 iyo qorshah au degsan wasaaradd asanadka 2019.

Wasiir Beyle waxaa uu sheegay in 2diisano ee la soo dhaafay daqliga soo gala dowladda uu kordhay 64% boq olkiiba,markii ay wasaaraddu xoojisay ni damka canshuuraha lagu qaado ee dal ka gudihiisa,taasi oo uu ku tilmaamay in wax badan ay ku soo kordhisay daqliga soo xarooda.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda So omaaliya Dowladda ayuu tilmaamay in labadii sano ee u dambeysay ay ku guul eysatay wasaaraddu bixinta mushahara adka Ciidanka iyo shaqaalaha dowlad da,islamarkaana sanadkaan ay raja ynayso si la mid ah sanadihii hore.

Miisaaniyadda sanadkaan oo ka ko oban 344 Milyen ayuu sheegay in 200 milyen oo ka mid ah wasaaradda ay ka rajaynayso in uu ka yimaado dakhligu gudaha laga soo aruuriyo.

Dhaqaalaha Soomaaliya ee waqtiga an marka lala meel dhigao dalalka kale waa mid aad u yar si loo gaaro isku filna an iyo kobac dhaqaale,wuxuuna u ku bu uriyay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay bixiyaan casnhuuraha si loola bar atamo dowladaha kale ee caalamka.

Ugu dambeyntii shirkiisa jaraa’id ayuu Wasiirka maaliyadda ka sheegay in in sanadkaan uu raja badan Soomaaliya ka qabto in la soo geba gebeeyo dada alada loogu jiro in dalka laga cafiyo dey maha lagu leeyahay.

SAXAFIYAD ARMANDO LINDHOUT”NINKII 10 SANO KA HOR SOMALIYA IGA AFDUUB TAY AYAA LA QABTAY”

Saxafiyadaasi oo lagu magacaabo A rmando Lindhout oo muddo 460 mala mood afduub loogu haystay Somalia sannadkii 2008dii ayaa sheegtay inay Baarayaasha Boliska Kanada gacan ka siisay sidii loo soo xiri lahaa Nin Somali oo ay sheegtay inuu ka mid ahaa dadkii iyada afduubtay.

Armando Lindhout iyo Sawirqaade Nigel Brennan waxaa laga qafaashay duleedka magaalladda Muqdisho sann adkii 2008dii, waxaana la sii daayey markii Kooxdii afduubatay la siiyey la cag madaxfurasho oo dhamayd hal mil lion oo Dollar.

Wareysi ay siisay Wargeyska Toddo baadlaha ee Dateline Weekly Newsletter waxay ku sheegtay markii iyada madaxfurasho lagu sii daayey, kuna soo laa batay Kanada inay Farriin Facebook ah ka heshay mid ka mid ah dadkii afduub tay, kaasi oo u soo qoray Erayga "Hello” oo keliya.

Waxay ka hadashay sida ay u nax day, markii ay aragtay Farriinta uga timid Ninka lagu magacaabo Cali Cumar Ad eer, kaasi oo ay sheegtay inuu ahaa Afduubihii ugu weynaa ee kooxdii iyada afduubtay.

Armando Lindhout waxay sheegtay inay Boliska Boqortooyadda Kanada ku wargeliyeen arrintaasi, waxayna Bolisku bilaabeen Hawlgal qarsoodi ah oo socd ay muddo 5 sanno ah, iyadoo ugu dam beyntii Cali Cumar Adeer si xeellada ysan loo soo qabtay, loona soo duuliyey dalka Kanada.

Bishii June 18dii ee sannadkii hore ee 2018kii waxaa Cali Cumar Adeer la soo taagay Maxkamad ku taalla magaal ada Ottawa ee dalka Kanada, waxaana lagu xukumay xabsi 15sanno ah.

XILDHIBAAN GOODAX BARRE”XEERKA BAN KIGA DAD QARAN DUMIS AH AYAA BARA BOGAANDO KA FIDIYAY”

Goodax-Barre-640x430 (1) Maalmihii la soo dhaafay waxaa la hadal hayay in Bankiga Dhexe ee Soom aaliyaGuddoomiye looga dhigayo Nin Ajnabi ah,hayeeshee waxaa Warkaasi beeniyay Xildhib aan Cabdullaahi goodax Barre oo ah Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

Xildhibaanka oo hadal ka jeedinayay Kulanka Baarlamaanka ee Shalay la horgeeyay Xeerka Xulida Guddiga Aga asinka Bangiga Dhexe ayaa sheegay in Xeerkaas laga fidiyay Barabogaanto uu ku qiyaasay Qaran dumis.

"Xeerkaan dad ayaa Barabogaando ka fidiyay oo aan u fahmay inay yihiin qaran dumis,waxana baraha Bulshada lagu faafiyay Magaca Nin Ajnabi ah iyo sawir aan is laheyn kaas oo la leeyahay waa ninka loo Magacaabayo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waana been ab uur ayuu yiri Xildhibaan Goodax Barre.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ay aa Shalay ka doodaya Xeerka Xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe ee uu u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

TURKIGA OO JAWAAB KA BIXIYAY HANJA BAAD UGA TIMID DONALD TRUMP

Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga o olagu magacaabo Ibraahim Kalin waxa uu bartiisa Twitterka kaga jawaabay ha dalkii Trump ku sheegay inay Turkiga muteysan doonaan Cunaqabatayn Dha qaale, haddii ay weeraraan Maleeshiy ada Kurdishka YPG ee ku nool gudaha dalka Syria.

Afhayeenka, waxa uu kaloo uu she egay inaysan wax kaladuwanaansho ah u dhexeynin Kooxda Xagjirka Daacish iyo Maleeshiyadda Badbaadada Dadka Kurdishka ee YPG. "Waan sii wadi do onaa Dagaalka ka dhanka ah dhamaant ooda” ayuu sii raaciyey Afhayeenka Mad axweynaha Turkiga.

Dhinaca kale, Qiimaha Lacagta Liira ha Turkiga ayaa la sheegay inuu shalay hoos u dhacay marka lagu sarifayo Dollarka Maraykanka.

Arrintan ayaa loo aaneynayaa Digniintii Madaxweynaha Maraykanka ku sh eegay in Turkiga dhaqaale ahaan u burb uri doono, haddii ay Turkiga weeraraan Maleeshiyadda Kurdishka ee YPG ee ku sugan gudaha dalka Syria.

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY SARAAKIIL KA SOCOTAY DALKA QADAR

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka So omaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi In dhaqarshe ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay General Maxamuud Al Qasaal iyo Sar aakiil ka socotayTaliska Milatariga Dal ka Qatar.

kulanka ayaa looga hadlay Xariirka iyo Iskaashiga ka dhaxeeya Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Qatar.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay saraakiisha ka socotay Dalka Qatar uu ahaa mid looga ha dla yay sidii wada shaqeyn iyo Iskaashi xariir u dhaxmari lahaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Dalka Qatar. General Maxamuud Al Qasaal ay aa tilmaamay in Qatar ay Soomaaliya ka Caawineyso dhismaha iyo tababarada Ciidamada Qalabka Sida ay Soomaliya.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO AMAR KU BIXIYAY INAAN LA DHISAN KARIN DHULALKA DANTA GUUD

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabd ullaahi Deni oo shalay si rasmi ah xilka ula wareegay ayaa amar ku bixiyay in la joojiyay dhisamayaasha sharci darada ah ee dhulalka Danta guud.

Warqad ka soo baxday xafiiskiisa ayuu Taliyaha Booliska Puntland ku amr ay inuu ka hortago shaqsiyaadka sida sharci darada ah ku dhisanaya dhulalka Danta guud.

Waxaa kaloo qoraalka lagy sheegay in dhulalka Danta guud bixintooda uu aw ood u leeyahay Madaxweynaha Punt land. Warqadan ayaa waxaa la ogeysi iyay Duqa magaalada Garowe iyo Gud doomiyaha Gobolka Nugaal.




BOGGA CAYAARAHA

MESSI OO DHALIYAY 400-GOOL LA LIGA AH

Lionel Messi ayaa noqday cayaarya hanka labaad ee taariikh ahaan 400-go ol ka dhaliyo 5-horyaal Yurub ugu caa nsan waxaana darajadan kaga horeeyay Cristiano Ronaldo (409-gool horyaal ah maraayo).

Laakiin Messi darajada 400-gool wuxuu ku gaaray 63-kulan asigoo ka yar Rona ldo inta uu kulan uu 400-gool ku gaaray.

Messi: 435-kulan iyo 400-gool La Liga

Ronaldo: 498-kulan ayuu 400-gool ku gaaray.

F.G: Ronaldo wuxuu haatan ka dhaliyay 5-horyaal Yurub ugu caansan 409-gool wuxuuna ku kala dhaliyay Man United (84-gool EPL), Real Madrid (311-gool La Liga) iyo Juventus (14-gool).

Majalada Marka Oo Spain Ka Soo Bax da Ayaa Shaki Galisay 400-gool ee Mes si Iyagoo Sheegay Gool Uu Ka Dhaliyay Bilbo xilli ciyaareedkii 2012/13 uu ahaa Own Gool.

Ronaldo xisaabta looguma darin 3-gool uu horyaalka Portugal ka dhaliyay marka uu Sporting Lisbon joogay.

TAARIIKHDA IYO SAACADDA LA CIYAARI DOONO KULLANKA LABAAD EE EL CLASSICO

Madaxwehnaha horyaalka Spain ee La Liga, Javier Tebas ayaa xaqiijiyay xilliga la ciyaari doono kullanka Real Madrid iyo Barcelona ee horyaalka La Liga wej igiisa labaad.

Waxaa kullankii hore oo ka dhacay Ca mp Nou ay Barcelona kusoo xaaqday dhiggeeda Madrid 5-1.

Ciyaartaas ayaa ahayd tii ugu dambe-ysay oo uu Julen Lopetegui hooggaam-iyo Los Blancos, iyadoo natiijadaas ka dib laga ceyriyay shaqada kooxda ka dhisan caasimadda Spain.

Macallin Santiago Solari ayaa loo mag-acaabay shaqada Real Madrid, kaasoo hadda ah hooggaamiyahooda.

Kullanka labaad ee El Classico ayaa lagu ciyaari doonaa garoonka Bernabeu, xilligaas oo ay Real Madrid marti gelin doonto Barcelona.

2-da bisha March ayaa la ciyaari doo-naa, xilliga geeska Africa-na, waxaa la baasan doonaa kullanka 10:45pm (22-:45).

Kooxda Macallin Ernesto Valverde ayaa hadda hooggaanka horyaalka ku heysa shan dhibcood oo ay ka sarreeyaan Atletico Madrid oo labaad ku jirta.

Sidoo kale Real Madrid oo afraad ku jirta ayay ka sarreeyaan 10 dhibcood.

Waxaa kullanka La Liga ee harsan uu noqon doonnaa midka ugu soo horreeya ee ay wada ciyaari doonaan haddii ay-san isku aadin Copa del Rey.

FEBREGAS OO SAFTAY KULANKIISA KOOWAAD EE KOOXDA MONOCO

Cesc Fabregas ayaa habeen hore kulankiisa ugu horeesay Monaco u cayaaray kulan ay 1-1 la galeen Marseille cayaar ka tirsaneyd Ligue 1.

Cesc wuxuu noqday cayaaryahanka 5-aad ee Spanish ah kaasi oo Monaco u cayaaro 45-sa ugu dambeesay (Fernan-do Morientes, Gerard, Borja Lopez & Jordi Mboula).

Monaco waxay ku jiraan kaalinta 19-aad horyaalka France waxayna leeyihiin 14-dhibcood 19-kulan ay cayaareen.

Kooxda Henry hogaamiyo afar dhibcood ayay u jiraan booska heerka labaad ku laabashadiisa looga bad baadi karo.

Cesc Ayaa Diyaar u ah in kooxdiisa Cusub ee Monoco Ka caawiyo In Ay Ka Badbaadaan Heerka Labaad.

Haatan Waxa Ay Fadhiyaan Kursiga 18-aad ayagoo u baahan dadaalo badan si ay u soo galaan Kaalmaha Sare.

ENGLAND - PREMIER LEAGUE JANUARY 14

Man-City 3 - 0 Wolverhampton W

Italy - Coppa Italia January 14

Cagliari 0 - 2 Atalanta

Roma 4 - 0 Virtus Entella

AKHRISO: XEERKA R/WASAARAHA U GUDBIYAY BAARLAMAANKA EE XULIDA GUDDIGA AGAASINKA BANGIGA DHEXE…

R a’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Go laha Shacabka u gudbiyay Xeerka Maamul ee Xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo horay Golaha Wasiirada isugu raaceen.

Xeerkan ayaa wax ka bedelaya sharciga Bangiga Dhexe, gaar ahana qodobka 130aad, kaasoo dib u eegis lagu samey nayo nuxur ahaan iyo qaab dhismeed ahaan sida uu ula jaanqaadi karo Nidaamka Maaliyadeed ee dalka (PFM) kuna sal eysan furfurnaanshaha Dhaqaale ee Caalamiga ah.

Sidoo kale Xeerkan Maamul oo si KMG ahaan u ogolaaday Golaha Wasiirada wuxuu hagayaa xulitaanka Xubnaha Gudd iga Agaasinka Bangiga Dhexe in dib u eegis wadajir ah ku sa meeyaan Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha Sha cabka iyo Wasaaradda Maaliyadda Sharci Lambar 130, si la is ku waafajiyo shuruucda maaliyadeed ee dalka.

Haddaba xeerkan uu horay u soo meel mariyay Golaha Wa siirada ayaa haddii uu ogolaado Baarlamaanka, waxay ka dhig an tahay in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi aj nabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo qof kasta oo ugu dhibco sareeya, karti ahaan, aqoon ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip