Akhriso:-Saxafiyad Armando Lindhout"Ninkii 10 Sano Ka Hor Somaliya Iga Afduubtay Ayaa La Qabtay"

0
Tuesday January 15, 2019 - 00:07:13 in Wararka by
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Saxafiyad Armando Lindhout"Ninkii 10 Sano Ka Hor Somaliya Iga Afduubtay Ayaa La Qabtay"

    Saxafiyadaasi oo lagu magacaabo Armando Lindhout oo muddo 460 malamood afduub loogu haystay Somalia sannadkii 2008-dii ayaa sheegtay inay Baarayaasha Boliska Kanada gacan ka siisay sidii loo soo xiri lahaa Nin Somali oo ay sheegtay inuu ka mid ahaa d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxafiyadaasi oo lagu magacaabo Armando Lindhout oo muddo 460 malamood afduub loogu haystay Somalia sannadkii 2008-dii ayaa sheegtay inay Baarayaasha Boliska Kanada gacan ka siisay sidii loo soo xiri lahaa Nin Somali oo ay sheegtay inuu ka mid ahaa dadkii iyada afduubtay.

Armando Lindhout iyo Sawir-qaade Nigel Brennan waxaa laga qafaashay duleedka magaalladda Muqdisho sannadkii 2008-dii, waxaana la sii daayey markii Kooxdii afduubatay la siiyey lacag madax-furasho oo dhamayd hal million oo Dollar.

Wareysi ay siisay Wargeyska Toddobaadlaha ee Dateline Weekly Newsletter waxay ku sheegtay markii iyada madax-furasho lagu sii daayey, kuna soo laabatay Kanada inay Farriin Facebook ah ka heshay mid ka mid ah dadkii afduubtay, kaasi oo u soo qoray Erayga "Helloā€¯ oo keliya.

Waxay ka hadashay sida ay u naxday, markii ay aragtay Farriinta uga timid Ninka lagu magacaabo Cali Cumar Adeer, kaasi oo ay sheegtay inuu ahaa Afduubihii ugu weynaa ee kooxdii iyada afduubtay.

Armando Lindhout waxay sheegtay inay Boliska Boqortooyadda Kanada ku wargeliyeen arrintaasi, waxayna Bolisku bilaabeen Hawlgal qarsoodi ah oo socday muddo 5 sanno ah, iyadoo ugu dambeyntii Cali Cumar Adeer si xeelladaysan loo soo qabtay, loona soo duuliyey dalka Kanada.

Bishii June 18-dii ee sannadkii hore ee 2018-kii waxaa Cali Cumar Adeer la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Ottawa ee dalka Kanada, waxaana lagu xukumay xabsi 15-sanno ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip