Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dowladda ayuu tilmaamay in labadii sano ee u dambeysay ay ku guuleysatay wasaaraddu bixinta mushaharaadka Ciidanka iyo shaqaalaha dowladda,islamarkaana sanadkaan ay rajaynayso si la mid ah sanadihii hore.

Miisaaniyadda sanadkaan oo ka kooban 344 Milyen ayuu sheegay in 200 milyen oo ka mid ah wasaaradda ay ka rajaynayso in uu ka yimaado dakhligu gudaha laga soo aruuriyo.



Dhaqaalaha Soomaaliya ee waqtigaan marka lala meel dhigao dalalka kale waa mid aad u yar si loo gaaro isku filnaan iyo kobac dhaqaale,wuxuuna u ku buuriyay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay bixiyaan casnhuuraha si loola baratamo dowladaha kale ee caalamka.

Ugu dambeyntii shirkiisa jaraa’id ayuu Wasiirka maaliyadda ka sheegay in in sanadkaan uu raja badan Soomaaliya ka qabto in la soo geba gebeeyo dadaalada loogu jiro in dalka laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.