Turkiga Oo Jawaab Ka Bixiyay Hanjabaad Uga Timid Donald Trump

0
Monday January 14, 2019 - 23:44:29 in Wararka by
  • Visits: 333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga Oo Jawaab Ka Bixiyay Hanjabaad Uga Timid Donald Trump

    Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga o olagu magacaabo Ibraahim Kalin waxa uu bartiisa Twitter-ka kaga jawaabay hadalkii Trump ku sheegay inay Turkiga muteysan doonaan Cunaqabatayn Dhaqaale, haddii ay weeraraan Maleeshiyadda Kurdishka YPG ee ku nool gudah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga o olagu magacaabo Ibraahim Kalin waxa uu bartiisa Twitter-ka kaga jawaabay hadalkii Trump ku sheegay inay Turkiga muteysan doonaan Cunaqabatayn Dhaqaale, haddii ay weeraraan Maleeshiyadda Kurdishka YPG ee ku nool gudaha dalka Syria. Afhayeenka, waxa uu kaloo uu sheegay inaysan wax kala-duwanaansho ah u dhexeynin Kooxda Xag-jirka Daacish iyo Maleeshiyadda Badbaadada Dadka Kurdishka ee YPG.

 
"Waan sii wadi doonaa Dagaalka ka dhanka ah dhamaantooda” ayuu sii raaciyey Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga.

Dhinaca kale, Qiimaha Lacagta Liiraha Turkiga ayaa la sheegay inuu maanta hoos u dhacay marka lagu sarifayo Dollarka Maraykanka.

Arrintan ayaa loo aaneynayaa Digniintii Madaxweynaha Maraykanka ku sheegay in Turkiga dhaqaale ahaan u burburi doono, haddii ay Turkiga weeraraan Maleeshiyadda Kurdishka ee YPG ee ku sugan gudaha dalka Syria.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip