Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay ayaa amar ku bixiyay in la joojiyay dhisamayaasha sharci darada ah ee dhulalka Danta guud.
Warqad ka soo baxday xafiiskiisa ayuu Taliyaha Booliska Puntland ku amray inuu ka hortago shaqsiyaadka sida sharci darada ah ku dhisanaya dhulalka Danta guud.
Waxaa kaloo qoraalka lagy sheegay in dhulalka Danta guud bixintooda uu awood u leeyahay Madaxweynaha Puntland.
Warqadan ayaa waxaa la ogeysiiyay Duqa magaalada Garowe iyo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.
Madaxweynaha Puntland oo amar ku bixiyay inaan la dhisan karin dhulalka Danta guud
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay ayaa amar ku bixiyay in la joojiyay dhisamayaasha sharci darada ah ee dhulalka Danta guud.