Bangiga Dhexe Ee Soomaaliya Guddoomiye Maka Noqon Karaa Qof Ajnabi Ah?

0
Monday January 14, 2019 - 22:53:07 in Wararka by
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bangiga Dhexe Ee Soomaaliya Guddoomiye Maka Noqon Karaa Qof Ajnabi Ah?

    Waxaa maalmahan aad la isula dhexmarayaa in guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya loo wado in loo magacaabo nin ajnabi ah oo u dhashay dalka Ingiriiska, kaasi oo uu magaciisu yahay Nigel Roberts. Arrintan oo aysan BBC-da ogeyn xaqiiqadeeda ayaa d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maalmahan aad la isula dhexmarayaa in guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya loo wado in loo magacaabo nin ajnabi ah oo u dhashay dalka Ingiriiska, kaasi oo uu magaciisu yahay Nigel Roberts. Arrintan oo aysan BBC-da ogeyn xaqiiqadeeda ayaa dhalisay hadal heyn badan iyo dood, waxaana jira dad badan oo kasoo horjeeda. Prof Yaxye Caamir oo ah dhaqaalayahan Soomaali ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa taleefishinka Dalsan u sheegay in xeerka bangiga dhexe uu gebi ahaanba mamnuucayo in qof aan Soomaali ahayn uu qabto xilka guddoomiyaha bangiga dhexe.

"Qodobka 130-naad, qeybtiisa A ee xeerka Bangiga Dhexe ayaa mamnuucaya in qof aan Soomaali ahayn uu qabto xilka guddoomiyaha bangiga” Ayuu yiri Yaxye Caamir.

Waxa uu intaas ku daray in dastuurka dalka ee guud uu qabo in shaqo qof Soomaali ah uu qaban karo aanan loo magacaabin qof ajnabi ah.

Balse golaha wasiiradda ayaa baarlamaanka u gudbiyay wax ka badalka xeerka Bangiga Dhexe, gaar ahaan qodobka 130-aad, waxaana war qoraal ah lagu yiri "Iyadoo aan wax loo dhimeyn Sharciga 130aad, ee 22/04/2012 qodobka 12aad, farqadiisa 1aad, xeerka (a) waxaa loo ogolaaday guddiga xulista xubnaha guddiga Agaasinka Bangiga dhexe ee Soomaaliya in ay soo xuli karaan qof kastaa oo ugu dhibco sareeya, Karti ahaan, Aqoon ahaan, iyo hufnaan intaba guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya”.

Bangiga Dhexe Ee Soomaaliya Guddoomiye Maka Noqon Karaa Qof Ajnabi Ah?


Waxaase jira warar aan la xaqiijinin oo sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu ka horyimid in qof ajnabi ah loo magacaabo Bangiga Dhexe.

Maxamed Mukhtaar waa agaasimaha mac-hadka cilmi baarista siyaasadda ee SIPAM, waxa uu BBC-da u sheegay in aysan jirin wax baahi ah oo keeni karta in qof ajnabi ah loo magacaabo Bangiga Dhexe, sharcigana uu yahay mid cad oo dhigaya in cid aan Soomaali ahayn loo magacaabi karigan xilkan.

"Bangiga hadda ma qabto shaqooyinkii loogu talogalay, lacag ma daaboco, sarifka ma jaangooyo, sicir waxbo kama oga, kaliya waa bangi kayd oo dowladda ay lacago dhigato, marka maba jirto baahi sidaas usii weyn oo qof ajnabi ah loo soo magacaabo” ayuu yiri Maxamed Muktaar.

Agaasimaha SIPAM oo aan weeydiinay su’aal ahayd waxa laga yeelayo haddii Bangiga Adduunka iyo hay’adaha maaliyadda caalamiga ah ay dowladda Soomaaliya shuruud kaga dhigaan in qof ajnabi ah xilkan loo dhiibo si lacagaha la siinayo loogu aamino ayuu yiri "ma qabo in ay jirto horta shuruudaas, balse haddii ay jirto waa midab takoor, waana arrin lagu qabsan karo Bangiga Adduunka”.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro war rasmi ah oo dowladda kasoo baxay oo ku saabsan xulashada la sheegay in Nigel Roberts loo wado Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Haddaba waa maxay shuruudaha laga doonayo qofka qabanaya guddoomiyaha bangiga dhexe

Waa inuu noqdaa qof hufan oo:

2.Soomaali ah.

3.Heysta shahaado ama aqoon u dhiganta oo nidaamka maaliyadda, lacagta iyo guud ahaan xisaabaadka.

4.In aaney wax ka hor istaagaya sida ku qoran, qodobka 14aad ee xeerkan

(2). Heerka Aqoonta iyo Waayo Aragnimo Shaqo ee guddoomiye bangi ama ku-xigeen isaga oo aan heysan

1.Shahaado Jaamacadeed oo xagga maaliyadda, sharciga, lacagaha iyo dhaqaalaha la xiriirta.

2.Qof aan heysan khibrad ka yar 12 sano.

3.Waa inuu maamul ka soo qabtay hey’ado maxali ah iyo dowli ah….

Xigasho BBC SOMALI.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip