Sawirro:-Madaxweynaha Puntland Oo La Kulmay Guddiyada Qaban Qaabada Caleema Saarka

0
Monday January 14, 2019 - 21:09:00 in Wararka by
  • Visits: 291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Madaxweynaha Puntland Oo La Kulmay Guddiyada Qaban Qaabada Caleema Saarka

    Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta 14 January 2019 kulan la qaatay Guddiyada caleema saarka Madaxweynaha Puntland, kulankaasi waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta 14 January 2019 kulan la qaatay Guddiyada caleema saarka Madaxweynaha Puntland, kulankaasi waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Guddiyada qabanqaabada caleema saarka Madaxweynaha ayaa ka booban afar guddi oo kala ah, Guddiga Xiriirka, Casuumaada iyo soo dhaweynta, Guddiga martigelinta, dejinta iyo gaadiidka, Guddiga diyaarinta goobta xaladda iyo guddiga amniga waxaana ay dhammaantood kulan la qaateen Madaxweynaha Puntland .

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Shire Xaaji Faarax ayaa ka warbixiyey kulankaasi uu la qaatay Madaxweynuhu Guddiyada calemasaarka, waxaana uu xusay in iyadoo laga duulayo doorashadii taariikhiga ahayd ee 8-da January 2019 iyo xilwareejintii Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Puntland la samayndoono xafladda habmaamuskeedu sareeyo oo lagu caleema saari doono Madaxda cusub ee Dowladda Puntland."Waxaan galabta kulan la yeelanay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Dani iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, kulan kaasi waxaa lagaga hadlayey xafladda caleema saarka Madaxda cusub ee dowladda Puntland, maadaama aan galnay doorasho aad u qurxoon, isla markaasna maanta xilwareejintii ay u dhacday si wanaagsan, waxaan u baahanahay inaan samayno xaflad aad u heersaraysa oo aan ku soo dhoweynayso Madaxda cusub, waxaan casumid doonaa, beesha caalamka, saxiibada Puntland, Madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Shire Xaaji Faarax.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip