Daahir Amiin Jeesow "Bangiga Dhexe waxaa loo dhiibayaa gaalka midka ugu madow"

0
Monday January 14, 2019 - 20:56:54 in Wararka by
  • Visits: 284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daahir Amiin Jeesow "Bangiga Dhexe waxaa loo dhiibayaa gaalka midka ugu madow"

    Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa difaacaya qorshaha la doonayo in Bangiga Dhexe loogu magacaabo nin Ajnabi ah, kaddib markii Golaha wasiirada ay wax ka bedel ku sameeyeen xeerka Bangiga Dhexe ee la qoray 1960-kii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa difaacaya qorshaha la doonayo in Bangiga Dhexe loogu magacaabo nin Ajnabi ah, kaddib markii Golaha wasiirada ay wax ka bedel ku sameeyeen xeerka Bangiga Dhexe ee la qoray 1960-kii.

Daahir Jeesow ayaa sheegay in Bangiga Dhexe uu hadda ku shaqeeyo nidaamka qabiilka ee 4.5, isagoo xusay in aan habooneyn oo la badalayo xeerka Bangiga Dhexe.

"Waxaad rabtaan in lagu shaqeeyo qabiil iyo waxaan haboonayn, waa la badalayaa Xeerka Bankiga Dhexe”ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in Bangiga Dhexe loo dhiibayo xataa Gaalka midka ugu madow, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dood kulul ka yeeshay wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe, waxaa qaar ka mid ah Xildhibaanada ku tilmaameen Qiyaano qaran iyo qaran dumisnimo, in qof ajnabi loo magacaabo Bangiga Dhexe, iyadoo laga aamin baxayo qofka muwaadinka ah.

Wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe ayaa aheyd mid Xukuumadda iyo Madaxtooyada ay olole badan u galeen, waxaana Sabtidii la baajiyay kulanka oo laga cabsi qabay inuu kooram la’aan ku furmi waayo, balse labadii maalmood ee la soo dhaafay dadaal la geliyay sidii Xildhibaanada dalka dibaddiisa ku maqan ay dib ugu soo laaban lahaayeen Muqdisho, si ay u ansixiyaan wax ka bedelka xeerkaas ay soo gudbisay Xukuumadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip