Faahfaahin qarax caawa ka dhacay Muqdisho

0
Monday January 14, 2019 - 20:32:51 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faahfaahin qarax caawa ka dhacay Muqdisho

    Waxaa faahfaahino dheerad ah ay kasoo baxayaan qarax gaari oo caawa Makhribinimadii ka dhacay afaafka hore ee maqaaxida The Village oo ku taalla nawaaxiga Isgoyska Banaadir. Qaraxaani oo jugtiisa laga maqlay meelo badan oo Muqdisho kamid ah ayaa w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa faahfaahino dheerad ah ay kasoo baxayaan qarax gaari oo caawa Makhribinimadii ka dhacay afaafka hore ee maqaaxida The Village oo ku taalla nawaaxiga Isgoyska Banaadir. Qaraxaani oo jugtiisa laga maqlay meelo badan oo Muqdisho kamid ah ayaa waxaa loo addeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo hore loo sii dhigay Baarkin gaadiidka la dhigto oo ku yaalla afaafka hore ee Maqaayaddaasi.

Wararka  dheeri ah oo aan ka heleyno qaraxaasi  ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda ay ina soo gaareen in  Labbo ruux ay qaraxaasi ku dhaawacmeen, waxaana loola cararay isbitaallada muqdisho  qaar ka mid ah si looga qabanto xaaladooda caafimaad.

 warar ayaa sheegaya in ay gaareen  goobtaasi qaraxa ka dhacay  Cidmada laamaha amaanka oo xiray waadoodyinka gala kana baxa Maqaayadaasi.

Maqaayada the Village ee Magaalada Muqdisho oo qeybo kala duwan ku kala yaala ayaa  sidaan oo kale waxaa lala beegsaday qaraxyo is miidaamin ah, waxaana masuuliyada qaraxyadaasi sheegtay Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip