FT: Barcelona oo guul muhiim ah ka gaartay Eibar, xilli Messi rikoor weyn uu sameeyay!

0
Monday January 14, 2019 - 11:28:48 in Wararka by
  • Visits: 724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FT: Barcelona oo guul muhiim ah ka gaartay Eibar, xilli Messi rikoor weyn uu sameeyay!

    Waxaa goor dhow soo idlaatay ciyaar xiiso badneyd oo u dhexeysay kooxaha Barcelona iyo Eibar. Weeraryahannada Barca ee kala ah Luis Suarez iyo Lionel Messi ayaa guul u horseeday kooxdooda, iyadoo Suarez laba jeer shabaqa soo taabtay. Daqiiqaddii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa goor dhow soo idlaatay ciyaar xiiso badneyd oo u dhexeysay kooxaha Barcelona iyo Eibar. Weeraryahannada Barca ee kala ah Luis Suarez iyo Lionel Messi ayaa guul u horseeday kooxdooda, iyadoo Suarez laba jeer shabaqa soo taabtay. Daqiiqaddii 19-aad ee ciyaarta, weeraryahanka reer Uruguay ayaa billaabay bandhigga goolasha ee Blaugrana.

Waxaana natiijadaas ay ka dhigtay in qaybta hore lagu kala nasto 1-0 oo ay Barca hooggaanka ku heysay.

Markii dib la isugu soo laabtay, daqiiqaddii 53-aad ee ciyaarta, Lionel Messi ayaa dhaliyay goolka labaad ee Barcelona, waxaana uu dhaliyay goolkiisii 400-aad ee La Liga.


Daqiiqado ka dib, Suarez ayaa markale shabaqa u laabtay, soona xiray bandhigga goolasha ee kooxda Macallin Ernesto Valverde, daqiiqaddii 59-aad ayuu dhaliyay goolka saddexaad ee ciyaarta.

Natiijada kullanka ayaa kusoo idlaatay 3-0 oo ay Barcelona ku awood sheegatay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip