XOG: Maxaad Ka Ogtahay Xisbiga Uu Ku Biiray Xildhibaan C/Llaahi Maxamed Nuur Oo Dhowaan Ka Baxay Xisbiga Xasan Sheikh?

0
Monday January 14, 2019 - 11:00:38 in Wararka by
  • Visits: 468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG: Maxaad Ka Ogtahay Xisbiga Uu Ku Biiray Xildhibaan C/Llaahi Maxamed Nuur Oo Dhowaan Ka Baxay Xisbiga Xasan Sheikh?

    Warar hoose oo ay heleyso Shabakadda Shaaciye.com ayaa sheegaya in Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo dhowaan isaga baxay Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ee (UPD) oo uu xubin fir fircoon ka ahaa ayaa la sheegayaa inuu heshiis hoos la saxiixday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar hoose oo ay heleyso Shabakadda Shaaciye.com ayaa sheegaya in Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo dhowaan isaga baxay Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ee (UPD) oo uu xubin fir fircoon ka ahaa ayaa la sheegayaa inuu heshiis hoos la saxiixday Xisbiga HIMILO oo uu hoggaamiye ka yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed.
Illo xog ogaal ah oo ku dhow Xildhibaanka ayaa inoo xaqiijiyay in C/llaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada mucaaradka ku ah Villa Soomaaliya ayaa loo balan qaaday in xil muhiim ah looga dhiibo Xisbiga HIMILO,taasi oo u saamaxeysa inuu galaan gal buuxa Xisbiga iyo Siyaasadda Soomaaliya ku yeesho.

Wararka qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya in sababaha uu Xildhibaanka uga tagay Xisbiga UPD ay tahay inuu muran hoosaad soo dhex galay siyaasiyiin iyo Xildhibaano miizaan culus ku dhex leh Xisbiga uu hoggaamiyaha u yahay xasan Sheikh.

XOG: Maxaad ka Ogtahay Xisbiga uu ku biiray Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo dhowaan ka baxay Xisbiga Xasan Sheikh?


Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa Xisbiga UPD ka baxay 30/12/2018,wuxuuna ku micneeyay ka bixitaankiisa sababo isaga u gaar ah.

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa wasiiru dowlaha Maaliyadda kasoo ahaa xukuumadii Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ka mid ahaa ragga ugu dhow-dhow, wuxuuna muddooyinkii danbe hormuud u ahaa xildhibaannada mucaaradka ee ku kacsan dowladda Somalia, iyadoo aan la ogeyn waxa xilligan keenay inuu arrintan ku dhawaaqo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip