Akhriso: Xeerka R/Wasaaraha u gudbiyay Baarlamaanka ee Xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe

0
Monday January 14, 2019 - 10:54:43 in Wararka by
  • Visits: 286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Xeerka R/Wasaaraha u gudbiyay Baarlamaanka ee Xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Golaha Shacabka u gudbiyay Xeerka Maamul ee Xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo horay Golaha Wasiirada isugu raaceen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Golaha Shacabka u gudbiyay Xeerka Maamul ee Xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo horay Golaha Wasiirada isugu raaceen.

Xeerkan ayaa wax ka bedelaya sharciga Bangiga Dhexe, gaar ahana qodobka 130aad, kaasoo dib u eegis lagu sameynayo nuxur ahaan iyo qaab dhismeed ahaan sida uu ula jaan-qaadi karo Nidaamka Maaliyadeed ee dalka (PFM) kuna saleysan furfurnaanshaha Dhaqaale ee Caalamiga ah.

Sidoo kale Xeerkan Maamul oo si KMG ahaan u ogolaaday Golaha Wasiirada wuxuu hagayaa xulitaanka Xubnaha Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe in dib u eegis wadajir ah ku sameeyaan Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha Shacabka iyo Wasaaradda Maaliyadda Sharci Lambar 130, si la isku waafajiyo shuruucda maaliyadeed ee dalka.



Haddaba xeerkan uu horay u soo meel mariyay Golaha Wasiirada ayaa haddii uu ogolaado Baarlamaanka, waxay ka dhigan tahay in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo qof kasta oo ugu dhibco sareeya, karti ahaan, aqoon ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip