Mareykanka oo u goodiyay Turkiga

0
Monday January 14, 2019 - 10:15:09 in Wararka by
  • Visits: 324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo u goodiyay Turkiga

    Madaxweynaha mareykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga waa haddii Turkiga uu weerar ku qaado xoggaga Kurdiyiinta ee ka dagaallama dalka Suuriya kaddib markii Mareykanka uu bilaabay qorshe uu ciidamadiisa kaga soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha mareykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga waa haddii Turkiga uu weerar ku qaado xoggaga Kurdiyiinta ee ka dagaallama dalka Suuriya kaddib markii Mareykanka uu bilaabay qorshe uu ciidamadiisa kaga soo saarayoo dalka Suuriya.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray wuxuu Trump sheegay uusan dooneynin in kooxda Kurdiyiinta ee xukuumadda Ankara ay u aqoonsan tahay argagixisada aanan la daandaasan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si caro leh uga jawaabay tageerada Mareykanka ee kooxda Kurdiyiinta, wuxuuna ballan qaaday inuu cagta marin doono maleeshiyaadka Kurdiyiinta.

Amiir sare oo ka tirsan qoyska boqortooyada Sucuudiga, Turki Al Feysal ayaa BBC u sheegay in haddii uu Mareykanka kala soo baxo ciidamadiisa dalkaa Suuriya ay dan ugu jirto dalalka Iran, Ruushka, Suuriya iyo Bashaar Al Asad.

Amiir Turki al-Faisal oo kasoo horjeestay in ciidamada Maraykanku ay ka baxaan Suuriya

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa booqasho ku maraya dalalka bariga dhexe, hadda waxaa uu jooga caasimadda Sucuudiga ee Riyaadh si uu u xoojiyo xulufada Mareykanka ee gobolka.



Mareykanka wuxuu dooonaya inuu difaaco Kurdiyiinta ka dagaalama Suuriya halka Turkiga uu arko inay halis ku yihiin amniga dalkaasi
Copyright: EPA Image caption: Mareykanka wuxuu dooonaya inuu difaaco Kurdiyiinta ka dagaalama Suuriya halka Turkiga uu arko inay halis ku yihiin amniga dalkiisa




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip