Mahad Salaad" Dhacdada Maanta Ka Dhacday Iyo Kuwii Horay Uga Dhacay Muqdisho Waxay Xadgudub Ku Yihiin Xorriyada Hadalka Iyo Xaqa Muwaadiniinta,"

0
Sunday January 13, 2019 - 23:39:58 in Wararka by
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahad Salaad" Dhacdada Maanta Ka Dhacday Iyo Kuwii Horay Uga Dhacay Muqdisho Waxay Xadgudub Ku Yihiin Xorriyada Hadalka Iyo Xaqa Muwaadiniinta,"

    Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si adag kaga hadlay tallaabadii maanta maamulka Koonfur Galbeed ku hor istaagay siminaar ay Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka (UPD) ay ku qabsan lahaayeen magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah Maamulka Koonfur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si adag kaga hadlay tallaabadii maanta maamulka Koonfur Galbeed ku hor istaagay siminaar ay Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka (UPD) ay ku qabsan lahaayeen magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah Maamulka Koonfur

Galbeed Soomaaliya.

 

Qoraal kooban oo uu Facebookiisa uu soo dhigay Xildhibaanka ayuu dhacdadaan ku tilmaamay mid xadgudub ku ah xorriyada hadalka iyo xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed u leeyihiin in ay fikirkooda u cabiraan si nabadgelyo ah sida ku cad dastuurka qaranka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka:-

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta is hortaag ku sameeyay kulan (Siminaar) Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) uu ku lahaa magaalada Baydbabo ee xarunta Gobolka Baay.

Kulankaas aqoon kororsiga ah ee maanta lagu waday inuu ka dhaco Baydhabo ayaa xubnaha khudbadaha ka jeedin lahaa waxaa kamid ahaa Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Aqalka Sare islamarkaana ah Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga UPD.

Caburinta Xisbiyada Siyaasadeed iyo siyaasiinta ka aragtida duwan Villa Soomaaliya ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay si xowli ah uga socotay magaalada Mogadishu, hadana sida muuqatada loo dhoof geeyay maamulka Koonfur Galbeed oo isaga ruuxiisa lagu dhisay qaab jajuub ah oo bulshada reer Koonfur Galbeed aysan raali ka wada ahayn.

Dhacdadaan maanta ka dhacday magaalada Baydhabo iyo kuwo kasii horeeyay oo Mogadishu horay uga dhacay ayaa dhamaantood xad gudub ku ah xorriyada hadalka iyo xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed u leeyihiin in ay fikirkooda u cabiraan si nabadgelyo ah sida ku cad dastuurka qaranka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

Mahadsanidiin.

Hon. Mahad Salad.

xigasho:- shaaciye.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip