QM Oo Ka Hadashay Xaaladaha Muhaajiriinta Ku Sugan Libya

0
Sunday January 13, 2019 - 23:37:50 in Wararka by
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM Oo Ka Hadashay Xaaladaha Muhaajiriinta Ku Sugan Libya

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dowladda Libya ugu baaqabay in ay wax ka qabato dhibaatooyin ka lagu hayo muhaajiriinta ku xiran qaar ka mid ah xabsiyada dalkaasi Mr Guterres oo warbixin siiyay golaha ammaanka ee QM ayaa xu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dowladda Libya ugu baaqabay in ay wax ka qabato dhibaatooyin ka lagu hayo muhaajiriinta ku xiran qaar ka mid ah xabsiyada dalkaasi Mr Guterres oo warbixin siiyay golaha ammaanka ee QM ayaa xusay in ay sare u sii kacayso xadgudub ka dhan ah aadanaha oo ku sii fidiya goobaha dadka lagu qabto ee ku yaalla dalkaasi

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dadka lagu dhibaateeyo dalka Libya ay isugu jiraan caruur,haween iyo rag, kuwaas oo dhamaantood doonayay in ay u safraan qaar ka mid dalalka Yurub.

Warbixinta uu sii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay golaha ammaanka ayaa waxaa uu dowladda Libya ugu baaqay in ay ka hortagto jirdilka iyo tacdiyada lagula kaco muhaajiriinta ku sugan gudaha dalkaasi

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in nus malyuun ruux oo muhaajiriin ah ay ku sugan yihiin gudaha dalka Libya, kuwaas oo u badan caruur iyo haween.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip