Ciidamo ka tirsan Puntland oo Qarax Miino lagula eegtay Buuraleyda Galgala

0
Sunday January 13, 2019 - 23:33:24 in Wararka by
  • Visits: 326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo ka tirsan Puntland oo Qarax Miino lagula eegtay Buuraleyda Galgala

    War iminka soo gaaray Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay Ciidamo ka mid ah kuwa maamulka Puntland. Qaraxaani oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ciidamadaan lagula eegtayhalka loo yaqaano B

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War iminka soo gaaray Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay Ciidamo ka mid ah kuwa maamulka Puntland. Qaraxaani oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ciidamadaan lagula eegtayhalka loo yaqaano Bali Qadar oo ku taalla Buuraleyda Galgala, waxaana ku dhintay hal askari waxaana ku dhaawacmay sida aynu wararka ku heleyno saddex askari oo gaariga ay saarnaayeen uu qabsaday qaraxaasi.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in dhaawaca askartaasi la geeyay isbitaal ku yaalla Magaalada Boosaaso, waxaana lala tacaalayaa xaaladooda caafimaad.

Maamulka Puntland ayaa waxa uu Galgala kula dagaalamayaa Shabaab, iyo Daacish, waxaana badi Shabaab ay ciidamada Puntland ay la beegsadaan qaraxyada nuucaani ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip