Sheekada gabar ka baxsatay nolosha Sacuudiga

0
Sunday January 13, 2019 - 23:31:40 in Wararka by
  • Visits: 754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekada gabar ka baxsatay nolosha Sacuudiga

    Waxay ahayd sheeko dunida qabsatay, taas oo sababtay in wax la iska weydiiyo xayiraadaha saaran haweenka u dhashay dalka Sacuudiga. Rahaf Mohammed al-Qunun, oo 18 jir ah, ayaa dareenka caalamka soo jiidatay toddobaadkii hore kaddib markii ay isku so

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay ahayd sheeko dunida qabsatay, taas oo sababtay in wax la iska weydiiyo xayiraadaha saaran haweenka u dhashay dalka Sacuudiga. Rahaf Mohammed al-Qunun, oo 18 jir ah, ayaa dareenka caalamka soo jiidatay toddobaadkii hore kaddib markii ay isku soo xirtay qol ay hoteel ka degganeyd, isla markaana ay diidday in dib loogu celiyo dalkeeda. Waxay ka baxsaneysay qoyskeeda oo ku nool dalka Sacuudiga. Kaddib markii ay olole ka billowday barta Twitter-ka, waxay magangalyo ka heshay dalka Canada.

Iyadoo ay weli taagan tahay doodda ku saabsan xuquuqda haweenka ee dalka Sacuudiga, gabar kale oo dhalinyaro ah oo ka soo carartay dalkaasi haatanna ku sugan Canada ayaa sheekadeeda uga warrantay BBC-da.

Salwa, oo 24 jir ah, waxay iyada iyo walaasheed oo 19 jir ah soo baxsadeen siddeed bilood kahor haddana waxay ku nool yihiin magaalada Montreal. Waxay nooga warrameysaa sida ay wax u dhaceen:

Diyaargarowgii

Muddo lix sano ah ayaan qorsheyneynay inaan baxsanno, balse waxaan u baahneyn baasaboor iyo kaar aqoonsi, si ay taasi noogu suurtogasho.

Waxaan u baahnaa inaan aabbahay oggolaasho ka helo si aan u qaato baasaboor. (Haweenka Sacuudiga ku nool waxaa looga baahan yahay inay oggolaasho ka helaan rag qoyskooda ka tirsan si ay u helaan adeegyo badan oo ay dowladdu bixiso).

Nasiib-wanaag, kaar aqoonsi waan haystay sababtoo ah qoyskeyga ayaa ii oggolaaday in la i siiyo mar aan jaamacad dhiganayay.

Waxaan sidoo kale haystay baasaboor sababtoo ah waxaa la i siiyay labo sano kahor mar aan u fadhiistay imtixaanka luqadda Ingiriiska.

Balse qoyskeyga ayaa iga qaaday, haddana, dib baan u helay.

Waxaan xaday furaha guriga walaalkey si aan ugala baxo dukumentiyadaas. Kama bixi karin guriga anigoo aan fasax ka heysan balse iyagoo hurdaya ayaan soo dhuuntay.

Aad ayay khatar u ahayd sababtoo ah haddii ay i qaban lahaayeen dhibaato ayay ii geysan kareen.

Markaan guriga galay waxaan soo qaatay baasaboorkeyga, kii walaashey iyo sidoo kale waxaan aabbahay oo hurda ka soo xaday moobaylkiisa.

Waxaan galay akoonkiisa bogga wasaaradda arrimaha gudaha, nambarkiisii meesha ku qornaa ayaan keyga ku beddelay.

Waxaan sidoo kale akoonkiisa nooga dalbay fasax ah inaan labadeennaba dalka ka bixi karno.

Xilli habeen ah oo la wada hurdo ayaan soo baxnay. Aad iyo aad ayay u dhib badneyd.

Gaari ma kaxeyn karin, sidaas darteed taksi ayaan u yeerannay. Nasiib-wanaag, inta badan darawallada gawaarida ee Sacuudiga ku sugan waxay ka soo jeedaan dalal shisheeye sidaas darteed wax dhib ah uma aysan arkeyn inaan keligeen safarno.

Waxaan aadnay Garoonka Caalamiga ah ee King Khalid oo u dhow magaalada Riyadh. Haddii uu qof ogaan lahaa waxa aan sameyneyno waxaan u maleynayaa in nala dili lahaa.

Sanadkii ugu dambeeyay waxbarashadeyda, waxaan ka shaqeynayay isbitaal waxaana keysaday lacag igu filan inaan tikid ku iibsado isla markaana aan ku helo dal-ku-galka Jarmalka.

Waxaa noo suurto gashay inaan raacno diyaarad u socotay Jarmalka. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee aan diyaarad raaco, aad ayay u xiiso badneyd. Farxad ayaan dareemay, sidoo kale waan baqayay, dareenkeygu ma fadhin.

Aabbahay ayaa booliiska wacay markii uu ka war helay inaynaan guriga joogin, balse waxay ahayd xilli aan waxba laga qaban karin.

Sababtoo ah nambarkiisii ku qornaa bogga wasaaradda arrimaha gudaha keyga ayaan ku beddelay, sidaas darteed booliisku aniga ayay i soo wacayeen.

Markaan Jarmalka tegay, waxaan xitaa booliiska ka helay farriin aabbahay ku socotay.

Markaan nimid

Nolol kama jirto Scauudiga. Keliya jaamacad ayaan dhigtay kaddib guriga ayaan dib ugu laabtay waxna ma qaban jirin. Tacaddiyo ayay qoyskeygu ii geysan jireen.

Markaan Jarmalka nimid waxaan raadiyay qareen noo dooda si magangelyo naloo siiyo. Foom ayaan buuxiyay waxaana uga warramay qisadeenna.

Waxaan doortay Canada sababtoo ah waxaa aad loogu yaqaannaa qiimeynta xuquuqda aadanaha. Waxaan arkay warka ku saabsan qaxootiga Suuriya ee halkaas la dejiyay, waxaana is tusay inay tahay dalka aniga ii wanaagsan.

Codsigeyga waa la aqbalay, markii aan tegay Toronto waxaan garoonka ku arkay calanka Canada, waxaana dareemay dareen guul oo ay ay farxad ku dheehan tahay.

Maanta aniga iyo walaashey waxaan ku sugannahay Montreal wax dhib ahna ma qabno. Halkan cedna ima qasbeyso.

Waxaa laga yaabaa in Sacuudiga ay lacag badan taallo, laakiin halkan ayaa wanaagsan sababtoo ah markaan doonayo inaan guriga ka baxo waan iska baxaa. Cedna fasax ugama baahni. Dibadda ayaan isaga baxaa.

Runtii aad ayay ii farxad gelineysaa. Waxaan dareemaa inaan xor ahay. Waxaan xirtaa dharkaan doono.

Waxaan bartaa luqadda Faransiiska laakiin aad ayay u dhib badan tahay! Waxaan sidoo kale bartaa sida baaskiilka loo kaxeeyo iyo waxaan sidoo kale isku dayayaa inaan barto dabaasha.

Waxaan dareemayaa inaan nafteyda wax u qabanayo.

Wax xiriir ah lama lihi qoyskeyga, balse waxaan dareemayaa inay sidan ii fiican tahay ayagana u fiican tahay. Waxaan dareemayaa in halkan ay tahay hoygeyga. Halkan ayaa wanaagsan.

Source: BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip