Gattuso:"Higuain wuxuu rabaa inuu baxo"

0
Sunday January 13, 2019 - 22:05:23 in Wararka by
  • Visits: 657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gattuso:"Higuain wuxuu rabaa inuu baxo"

    Tababaraha kooxda AC Milan Gennaro Gattuso ayaa sheegay in laacibka kooxdiisa Gonzalo Higuain uu rabo inuu isaga tago naadiga, xilli ay sii xoogeysanayaan in gool dhaliyahan uu ku wajahanyahay kooxda Chelsea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda AC Milan Gennaro Gattuso ayaa sheegay in laacibka kooxdiisa Gonzalo Higuain uu rabo inuu isaga tago naadiga, xilli ay sii xoogeysanayaan in gool dhaliyahan uu ku wajahanyahay kooxda Chelsea.

Laacibkan reer Argentina ayaa si amaah ah ugu jooga hadda Milan, laakin tan iyo bishaan ayay warbaahintu hadal hayeen inuu rabo inuu la midoobo tababarihiisii hore ee Napoli Maurizio Sarri oo hadda leyliya kooxda Chelsea.

Gattuso wuxuu xalay warbaahinta u sheegay in ay aad u adagtahay in inuu kooxda ku hakiyo Higuain maadaama 31-jirkaan uu rabo inuu isaga tago Milan.

Higuain, ayaa tan iyo marki uu Milan ku biiray xilli ciyaareedkaan dhaliyay sideed gool. Wuxuu hadda ku jiraa liiska ciyaartooyda Milan ee todobaadkaan u safreysa magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga halkaas oo ay kooxda Juventus kula dheeli doonaan finalka koobka Italian Supercup Arbacada soo socota.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip