Willian oo ka caawiyay Chelsea inay guul muhiim ah New Castle ka helaan

0
Sunday January 13, 2019 - 12:00:07 in Wararka by
  • Visits: 677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Willian oo ka caawiyay Chelsea inay guul muhiim ah New Castle ka helaan

    Chelsea ayaa 2-1 guusha kaga qaadatay New Castle kulan ka tirsanaa EPL oo uu go'aamiyay Willian. Blues oo hogaanka u qabatay ciyaarta ayaa gool ka heshay xidigeeda Pedro daqiiqaddii 9-aad kadib caawin uu ka helay David Luiz.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ayaa 2-1 guusha kaga qaadatay New Castle kulan ka tirsanaa EPL oo uu go'aamiyay Willian. Blues oo hogaanka u qabatay ciyaarta ayaa gool ka heshay xidigeeda Pedro daqiiqaddii 9-aad kadib caawin uu ka helay David Luiz.


Balse Neswcastle oo aan isdhigan ayaa goolka barbaraha heshay daqiiqaddii 40-aad, kadib gool uu u ansixiyay laacibkeeda C.Clark.

Kulanka ayaana qabtiisa hore lagu kala nastay 1-1 oo ay labada kooxoodba isku garba dhaceen.

Qaybta labaad cayaarta Chelsea ayaa weerarkeeda sii wadatay waxaana hogaanka u dhiibay Willian daqiiqadii 57-aad wuxuuna dhaliyay Brazilian-kan gool aad u qurux badan.

Blues ayaa ugu dambeynii 2-1 guusha ku qaadatay waxayna Sarri u ahayd guul qaali ah ayagoo lix dhibcood ka sare mareen Arsenal oo booska 5-aad fadhiso.

Sidoo kale Blues waxay hal dhibic u jiraan Spurs oo kaalinta 3-aad ku jirto lana cayaari doonto Man United habeen dambe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip