Halkee Soomaaliya Kaga Jirtaa Qiimaynta Baasabooradda Dalalka Caalamka Ee La Sameeyay?

0
Sunday January 13, 2019 - 00:10:23 in Wararka by
  • Visits: 771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkee Soomaaliya Kaga Jirtaa Qiimaynta Baasabooradda Dalalka Caalamka Ee La Sameeyay?

    Hay'addaTheHenley Passport Indexee qiimeysa Muwaadinimadda iyo Baasabooradda Caalamka ayaa soo bandhigtay Qiimayntooda sannadkan cusub ee 2019-ka. Hay'adda waxay qiimeynteeda ku salaysay dal kasta Dukumentiyadiisa Safarka iyo Xogta Hay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'addaTheHenley Passport Indexee qiimeysa Muwaadinimadda iyo Baasabooradda Caalamka ayaa soo bandhigtay Qiimayntooda sannadkan cusub ee 2019-ka. Hay'adda waxay qiimeynteeda ku salaysay dal kasta Dukumentiyadiisa Safarka iyo Xogta Hay'adda Duullimaadyadda Caalamka ee IATA iyo xaqiiqda dhabta ee sannadkiiba. Qiimaynta waxaa lagu eegay 199 Baasabooradda dalalka Calaamka iyo 227 Deegaanadda ay Duullimaadyadda gaaraan. Qiimeynta Hay'addaTheHenley Passport Indexwaxaa salka looga dhigay tiradda dalalka lagu tegi karo Baasabooradda Caalamka, iyadoo aan wax Fiiso ah la codsanin.

Shanta Waddan ee lagu xusay Qiimeyntaasi inuusan Basaaboorkooda xoog weyn lahayn waxay kala yihiin:

1-Baasaboorka dalka Eritrea oo Fiiso la’aan lagu tegi karo 38-Waddan

2-Baasaboorka dalka Yemen oo Fiiso la’aan lagu tegi karo 37-Waddan.


3-Baasaboorka dalka Pakistan oo Fiiso La’aan lagu tegi karo 33-dal.

4-Baasaboorka Somalia iyo kan dalka Syria oo Fiiso La’aan lagu tegi karo min 32-dal.

5-Baasaboorka dalalka Afganaistan iyo Ciraaq oo Fiiso la’aan lagu tegi karo min 30-dal.

Qiimeynta Hay’addaHenley Passportwaxaa kale lagu soo bandhigay dalalka Qaaradda Afrika ee ay Baasabooradda ugu xooggan yihiin, kuwaasi oo kala ah:

1-South Africa,

2-Murushiyos,

3-Botoswana

4-Namiibiya

5-Lesoota,

6-DalkaEswatinioo horey loo oran jirey Iswaziland,

7-Kenya,

8-Gambiya,

9-Tanzania

10-Zambia.

Dhinaca kale, Baasaboorka dalka Japan ayaa noqday kan ugu xoogga badan dhamaan Baasabooradda Calaamka, waxayna Muwaadiniinta dalka Japan fiiso la’aan ku tegi karaan 190 Waddan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip