Hantida Qaran sidee loo soo Celin karaa?

0
Sunday January 13, 2019 - 00:08:11 in Wararka by
  • Visits: 797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hantida Qaran sidee loo soo Celin karaa?

    Su'aalo badan ayaa Saaxiibadey iga soo weydiiyeen Hantidda Qaran iyo sida loo soo celin karo, waxaa jirta Hanti badan oo hore loo bixiyay ama si sharci daro ah lagu qaatay, Xaafada dhan oo la degan yahay ayaa ka mid ah. Dadka waxaa isaga Darsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Su'aalo badan ayaa Saaxiibadey iga soo weydiiyeen Hantidda Qaran iyo sida loo soo celin karo, waxaa jirta Hanti badan oo hore loo bixiyay ama si sharci daro ah lagu qaatay, Xaafada dhan oo la degan yahay ayaa ka mid ah. Dadka waxaa isaga Darsan Xukuumadda iyo Maxkamadaha, weliba awooda u gaarka ah Maxkamadda Dastuuriga ah oo aan weli Dalkeena ka dhisneyn. Su'aal ? 1. Haddii Qof Wasiir ah uu hab Sharciya uu Heshiis ku saxiixo ama ku bixiyo Hanti qaran, Golaha Wasiiraduna ansaxiyaan ama aaney ka horimaanin, ma la soo celin karaa Hantidaa ama heshiiskaa mala burinkaraa, waddadeena loo marayaa?

Jawaab.

Heshiiskii Wasiir uu galo ama Agaasime waa sharci, waxaa burin karo Maxkamad, kadib marka ay hesho cadeymo ah in si Musuqmaasuq uu u dhacay ama danta wasiirku ay ku jirto ama habraaca sharciga laga tagay. Inkasta oo habraaca laga tago la xalin karo ama la saxi haddii ujeedo looga tagay ay tahay ka faa’iideysi sidaa darteedna habraaca looga leexado, waxaa ka dhalanayo in Maxkamadu buriso Heshiiska ama bixinta Hantidaa Guud.

Xukunka Maxkamaddu waxa ku dhacayaa wasiirka/Agaasimaha Saxiixay. Muwaadinka loo saxiixayna waxa uu yeelanayaa Magadhow in Dowladdu ey bixiso eyna waajib ku tahay.


Su’aal?

2. Madaxweyne deceretadiisa sow sharci ma aha?

Jawaab .

Haa waa sharci .

Su’aal?

3. Dikareto Madaxweyne, Madaxweyna kale ma baabi’in karaa ?

Jawaab.

Maya, Ma burin karo. Waxaa burin karo Maxkamadda Dastuuriga ah oo kaliya. Maxkamadaha kale ma gali karaan.

Siduu ku Buri karaa?

Jawaab.

Haddii uu Dastuurka ka soo horjeeday, xoog sharci daro ahana lagu fuliyay. waana marka Maxkamadda Dastuurigu cadeyso in dikareetadu tahaay mid Dastuurka ka horimaaneyso ama la cadeeyo in ey Musuqmaasuq ku sifeysan tahay ama ey Maxkamadda Dastuuriga cadeeysayo in Dan gaar ahi ugu jirtay Madaxweynaha.

Su’aal?

4. Sifadee ayuu ku baabi’in karaa?

Jawaab.

Waa in sifo sharci ah loo maray Heshiiska. Decreto madaxweyne waa sharci, sharcigaana waxaa burin karo Baarlamaanka.

Laakin haddii fal dambi ah ka dhax muuqdo waxaa awood u leh Maxkamadda Dastuuriga kadib markii ay u cadaato in ay Dastuurka ka soo horjeedo.

Su’aal?

5.Hantida in la soo celiyo ay sharciga tahay waa tee?

Jawaab.

Badanaa, Dowladdu waxa ay bixiso, waxaa loo ictibaaraa Sharci in ay tahay xaqana ey u leedahay in ay bixiso, ka bilaaw Agaasime ilaa Madaxweyne.

Hantida sida sharci daro ah Markii horeba loo qaatay ayaa looga hadlaa soo celin. waxayna ka dhacadaa goobaha dagaalada sokeeye ka dhacaan. Laakiin wax ey Dowladu bixiso, haddii aaney Dacawadu ka dhalan, Maxkamaduna eynan cadeyn khaladkaa, xukunna ka soo saarin, ma jiri karto sifo kale oo sharci ah oo lagu baabin karo Heshiiskii hore ama lagu soo celin karo hantidaa.

Gunaanad.

Mabda’iyan, haddii xukuumad kasta middii ka horeysay waxa ay bixiso ama Heshiisyadii ey gashay ey buriso, waxaa lumayo kalsoonida lagu qabi karo in Dowlad lala macaamilo, sidaa daraadeed ayaa loo adkeeyay in aan Dowladdu burburin Heshiisyadii Dowladdii hore ama ka noqon waxa ey bixisay.

Haddaba jawaabtu waa wixii sharci daro Madaxweyne uu ku bixiyay in Xukuumadu ey daba gasho iskadaaye , xataa Agaasime wax uu bixiyay ama heshiis uu galay ma burinkarato xukuumaddu. Cidda kaliya oo Burburin karto waa Maxkamad sharci ah oo sifio sharci ah u marto oo kaliya, ee mahan sharciyan wareegto ka soo baxday Xafiis Dowladeed.

FG: wixii Siyaasad ah waa Gooni, waxaan ka fiiriyay Dhinaca Sharciga oo kaliya. Wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar, Arragtidaada Xur ayaad u tahay.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip