Blaise Matuidi oo noqday ciyaaryahankii ugu guulaha badnaa 2018

0
Saturday January 12, 2019 - 22:08:40 in Wararka by
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Blaise Matuidi oo noqday ciyaaryahankii ugu guulaha badnaa 2018

    Sanaddii aynu kasoo tagnay waxa ay ahayd mid u bishaareysan xiddigga kooxda Juventus ee Blaise Matuidi. Xiddigga Faransiiska ah ayaa gaaray guulaha ugu badan ee garoonka lagu gaaro dhammaan ciyaartoyda kubadda cagta, marka laga cabir qaato ciyaaraha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanaddii aynu kasoo tagnay waxa ay ahayd mid u bishaareysan xiddigga kooxda Juventus ee Blaise Matuidi. Xiddigga Faransiiska ah ayaa gaaray guulaha ugu badan ee garoonka lagu gaaro dhammaan ciyaartoyda kubadda cagta, marka laga cabir qaato ciyaaraha rasmiga ah. Iyadoo ay jirto in koobab dhowr ah uu ku guuleystay, misena waxa uu garoonka galay kullamo badan oo ay kooxdiisa Juve guuleysatay, iyo qarankiisa France.

Bianconeri ayaa uu kula guuleystay Serie A iyo Coppa Italia, halka France uu kula guuleystay Koobkii Adduunka ee ka dhacay Russia.

Matuidi oo joogto u ahaa safafka Didier Dechamps iyo Max Allegri ayaa gaaray 48 guul.

Waxaa kusoo xigay Antoine Griezmann iyo Angel Di Maria kuwaas oo min 45 guul gaarray.

Roberto Firmino iyo Ivan Rakitic ayaa iyaguna min 44 guul gaaray.

Waxaana guulahan lagu xisaabinayaa kullamada ay garoonka ku jireen dhammaan ciyaaraha rasmiga ah ee koox iyo qaranba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip