Mahad Salaad oo kashifay qorshaha wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe, si nin Ajnabi loogu dhiibo

0
Saturday January 12, 2019 - 10:47:13 in Wararka by
  • Visits: 322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahad Salaad oo kashifay qorshaha wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe, si nin Ajnabi loogu dhiibo

    Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ka digay qorshaha la doonayo in Bangiga Dhexe Madax looga dhigo nin Ajnabi ah, taasoo maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay. Mahad Salaad ayaa sheegay in soo jeedin ku saabsan wax ka bedelka sharciga Bangiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ka digay qorshaha la doonayo in Bangiga Dhexe Madax looga dhigo nin Ajnabi ah, taasoo maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay. Mahad Salaad ayaa sheegay in soo jeedin ku saabsan wax ka bedelka sharciga Bangiga Dhexe la doonayo in maalinta Isniinta la horkeeno Baarlamaanka, si Bangiga Dhexe loogu dhiibo qof ajnabi ah.

"Beec geynta Bangiga Dhexe waa mashruuc bilowgiisa aan aragno, laakiin dhamaadkiisa cid aysan ogeyn, soo jeedin wax loogu bedelayo sharciga Bangiga Dhexe ayaa la horkeenayaa Golaha Shacabka maalinta Isniinta, si nin Ajnabi ah loogu dhiibo Bangiga Dhexe”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa su’aal ka keenay wax ka bedelka lagu sameynayo xeerka Guddoomiyaha, Guddoomiye kuxigeenka Bangiga Dhexe iyo shanta xubnood ee Golaha Agaasimayaasha (Board of Directors) ay ahaadaan muwaadiniin Soomaaliyeed

Haddaba, waxaa isweydiin mudan:

1. Maxaa xikmad ah oo ku jira in xilligaan shuruucda dalka loo badalo nin AJNABI ah si loogu dhiibo Bankiga Dhexe oo ah hay’adda ugu saraysa ee maamusha dhaqaalaha dalka?

2. Maxaa looga cararayaa muwaadinka Soomaaliyeed ee aqoonyahanka wadaniga ah, laguna doortay nin AJNABI ah oo cilmi maaliyadeed aan baran. Shaqo maaliyadeedna aan soo qaban sida CV-giisa ka muuqata?

3. Mise waxaa jira qorsheyaal kale oo naga qarsoon oo in aan ogaanana hada aysan muhiim ahayn?!

XIGASHOJ:-OWHAR.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip