Dhageyso:-Sheekh Kenyaawi Oo Ka Hadlay Muxaadaradii Dadka Ku Dhaawacmeen

0
Friday January 11, 2019 - 23:23:55 in Wararka by
  • Visits: 397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Sheekh Kenyaawi Oo Ka Hadlay Muxaadaradii Dadka Ku Dhaawacmeen

    Sheekh Maxamed Sheekh ibraahim Kenyawi ayaa ka hadlay kulankii muxaadarada ahaa ee Galabta uu ku qaban lahaa Hoolka Sahal taas oo dib u dhacday kadib markii dad ka badan Hoolka ay goobta muxaadarada tageen. Isbuurashada dadka aawgeed ayaa Ciidamad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Maxamed Sheekh ibraahim Kenyawi ayaa ka hadlay kulankii muxaadarada ahaa ee Galabta uu ku qaban lahaa Hoolka Sahal taas oo dib u dhacday kadib markii dad ka badan Hoolka ay goobta muxaadarada tageen. Isbuurashada dadka aawgeed ayaa Ciidamada ilaalada ka ah Hoolka Sahal rasaas ku fureen dadka Shacabka ah,waxana la xaqiijiyay in ilaa Saddex Ruux ay ku dhaawacmeen rasaastaas ay fureen ilaalada Hoolka Sahal.
 

Sheekh Maxamed Sheekh ibraahim Kenyawi ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in muxaadaradaas ay Galabta ka baaqato,isla markaana dadkii uu ugu talo galay dad ka badan ay goobta yimaadeen taas oo keentay in isbuurahso iyo buuq ay meesha ka dhacdo.



Laga soo bilaabo Isgoyska Soobe ilaa Hoolka Sahal oo ku yaalla agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ayaa waxaa Galabta buux dhaafiyay Boqolaal Ruux oo doonayay inay Muxaadaradaas dhageystaan,hayeeshee aysan u suurtagelin.Waxa uu Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo Saddex Gabdhood oo uu dhaawac soo gaaray,waxana uu sheegay in dhawaan,isaga oo kaashanaya Maamulka Gobolka Banaadir uu shaacin doono Goob ka weyn hoolka Sahal ee Muxaadaro lagu qabanayo.

Hoos Ka Dhageyso Shir Jaraa’id ee uu Qabtay Sheekh Maxamed Sheekh ibraahim Kenyawi.

Audio Player
 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip