Wararkii Ugu Dambeeyay Dab Ka Kacay Suuqa Bakaaraha+Sawirro
Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dab caawa ka kacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Mudqisho.
Dabkaan ayaa ka kacay markii hore qeybta Dharka Huudheyda lagu iibiyo wuxuuna ku faafay qeybaha kale ee suuqa Bakaaraha.
Sawirro lasoo qaaday ayaa muujinaya in dabka uu geystay khasaare Hantiyadeed,islamarkaana uu dhulka ku daray goobo Ganacsi oo ku yaalay Gudaha Suuqa Bakaaraha.
Dhanka kale Gaadiidka Dab damiska ayaa wali isku dayaya in ay damiyaan dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha.
Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sugan Gudaha Suuqa Bakaaraha,waxaana laga maqlayaa rasaas ay ridayaan.
Hoos ka Daawo Sawirro Muujinaya Xajmiga Dabka
Wararkii Ugu Dambeeyay Dab Ka Kacay Suuqa Bakaaraha+Sawirro
Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dab caawa ka kacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Mudqisho.