Ma dhab- baa in UK Saldhig Militari ka sameysaneyso Somaliland

0
Thursday January 10, 2019 - 22:38:34 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 91
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma dhab- baa in UK Saldhig Militari ka sameysaneyso Somaliland

    Waxaa soo baxaya warar sheegaya in UK ku biireyso dalalka Imaaraadka iyo Rushka, iyada oo dooneysa in ay saldhig militari ku yeelato Somaliland. Toddobaadkan waxaa magaalada Hargeysa markii ugu horeysay tagay xoghayaha Difaaca BritainGavin William

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in UK ku biireyso dalalka Imaaraadka iyo Rushka, iyada oo dooneysa in ay saldhig militari ku yeelato Somaliland. Toddobaadkan waxaa magaalada Hargeysa markii ugu horeysay tagay xoghayaha Difaaca BritainGavin Williamsonoo kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac. Somaliland waxaa horey u gumeystay Boqortooyada Ingariiska, walina waxaa ay raadineysaa in ay hesho aqoonsi caalami ah kaddib markii ay ku dhawaaqday in ay go'day Soomaaliya inteeda kale.
Cumar Baashe oo ah wakiilka Somaliland ee Kenya oo arintan wax laga weydiiyay ayaa beeniyay warka ku saabsan in socdaalka xoghayaha difaaca UK uu ahaa mid salka ku haya arrimo militari, balse taa badalkeeda waxaa uu sheegay inGavin Williamson iyo madaxweyne Biixi ka wada hadleen arrimo dan u ah xiriirka Somaliland iyo Britain taasoo gacan ka geysan karta ayuu yiri in ay hello aqoonsi deg deg ah.

Booqashada xoghayaha difaac ayaa timid toddobaad uun kaddib markii ay UK ku dhawaaqay in ay dooneyso in saldhig cusub ka hesho dunida inteeda kale kaddib ka bixitaankeedii midowga Yurub.

Dowladda Rushka ayaa horey u sheegtay in ciidamaddeeda badda saldhig militari uga sameyneyso deegaanka Seylac ee dhulka Somaliland, halka Imaaraadkana uu heshiis buuxa kula galay Somaliland in saldhig militari uu ka sameysto magaalada Berbera.

Somaliland ayaa u aragta booshada xoghayha difaaca UK uu toddobaadka ku tagay Hargeysa mid ku soo jeedin karta Idhaha caalamka, madaama Somaliland tan 1991kii raadineysay aqoonsi caalami ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip