Ruushka oo ciidankeeda badda Saldhig uga sameynaysa Deegaanada Soomaaliland.

0
Thursday January 10, 2019 - 22:34:47 in Wararka by
  • Visits: 375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka oo ciidankeeda badda Saldhig uga sameynaysa Deegaanada Soomaaliland.

    -Dowladda Ruushka ayaa lasheegay in ay Ciidankeeda Badda Saldhig uga sameeyneyso Soomaaliland, taasi oo ah Tilaabo ay dooneeyso in ay ku kordhiso Awoodeeda military ee geeska Africa. Wada hadallo ayaa la wairiyay in ay u socdaan Soomaliland iyo Do

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Dowladda Ruushka ayaa lasheegay in ay Ciidankeeda Badda Saldhig uga sameeyneyso Soomaaliland, taasi oo ah Tilaabo ay dooneeyso in ay ku kordhiso Awoodeeda military ee geeska Africa. Wada hadallo ayaa la wairiyay in ay u socdaan Soomaliland iyo Dowladda Ruuska kuwaasi oo ku saabsan dhismaha Saldhig qaada 1,500 Askari oo taageera Maraakiibta Dagaalka iyo Gujiisyadda Ruuska ee shaqaynaya Gobolka iyo Marinka Badda ee ay maraan maraakiibta Daabula Badeecada Europe.

Haddii ay caddaato, waxa uu noqon doonaa saldhiggii ugu weeynaa uu Ruushku ka sameeysto Africa tan iyo Dagaalkii Qaboobaa ee dunida iyo Tilaabo weeyn oo uu qaaday Valadamir Putin, sida uu daabacay bogga internetka ee Warbaahinta The Sun oo UK laga leeyahay.

Goobta Saldhigga laga dhisayo waa Magaalo xeebteedka Seeylac ee Soomaaliland, waana xuduuda Jabuuti oon Shiinuhu uu ku leeyahay Saldhig military.

Dr Andrew Foxall oo ah Agaasimaha Xarunta Daraasaadka Ruushka, Europe, Asia ayaa the Sun u sheegay "in geeska Africa uu istiraatiijiyad ahaan muhiim u yahay sababo badan oo ay ka midyihiin in uu ogolaanayo Awood difaac oo bariga dhexe ah iyo sameeynta Kanaal Zuweeys iyadoo la marayo gacanka Cadan”.

"Mareeykanka iyo Shiinaha ayaa Awood military ku leh Jabuuti, waana in aysan layaab noqon uu ruushku mid tas la mis ah doonayo” ayuu hadalkiisa ku daray Dr. Andrew.



Dhaq-dhaqaaqa Ciidanka Bada ee Ruuska ayaa kordhan Sanadihii Dambe, Sanadkii 2017kiina Ruusku waxaa uu qaatay Hanaan Cusub oo Ciidankiisa Badda ku balaarineeysa Dunida.

Geeska Africa ayuu Ruusku u arkaa in ay tahay meesha ay ku tartamayaan Dadalka Awooda military leh.

Ingiriiska ayaa isaguna ka mid ah Dalalka Doonaya in ay Saldhig military ka helaan Soomaaliland oo saaran badda Cas. Horayna Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Magaaladda Berbera ka sameeysatay Saldhig military.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip