Askari ka tirsanaa ciidanka Booliska oo galabta lagu dilay Suuqa Bakaaraha

0
Thursday January 10, 2019 - 22:27:56 in Wararka by
  • Visits: 310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari ka tirsanaa ciidanka Booliska oo galabta lagu dilay Suuqa Bakaaraha

    Askari katirsanaa ciidanka Booliska ee ka hawlgala Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa galabta lagu dilay Suuqaasi, xilli uu dhex maraayay, sida ay inoo sheegeen saraakiil ammaanka qaabilsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askari katirsanaa ciidanka Booliska ee ka hawlgala Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa galabta lagu dilay Suuqaasi, xilli uu dhex maraayay, sida ay inoo sheegeen saraakiil ammaanka qaabilsan.

Askariga oo msgaciisa lagu soo koobay Ganeey ayaa waxaa dilay laba dhalinyaro ah oo Bistoolad ku hubeysnaa, waxayna ku dileen meel ku dhaw isgoyska Suuqa Bakaaraha, iyadoona dilka kadib ay ka baxsadeen halkaasi.

Ciidamada Booliska oo gaaray goobtii lagu dilay askariga ayaa waxay ka sameeyeen baaritaano ku aadan dembiilaha, iyadoo ay falkaasi u soo qab qabteen tiro dad ah.

Goobjooge ayaa ku waramay in Booliska ay tiro dad ah qabteen, sidoo kalana ay halkaasi ka qaadeen meydka askarigii la dilay.

Dilalka nuucaan oo kala ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka geysta rag si dhaw loola xiriiriyo Mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Inta badan waxaa laamaha ammaanka ku adkaata inay gacanta ku soo dhigaan ragga Bistooladaha la cararaya ee weerarada qorsheysan ka geysanaaya qaybaha kala duwan ee caasimada




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip