Ciidamada Ammaanka Oo Gaalkacyo Ku Qabtay Gacan Ku Dhiigle Baxsad Ahaa

0
Thursday January 10, 2019 - 21:02:44 in Wararka by
  • Visits: 333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Ammaanka Oo Gaalkacyo Ku Qabtay Gacan Ku Dhiigle Baxsad Ahaa

    Gaashaanle dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe oo ah Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in gacanta ay ku soo dhigeen nin uu ku sheegay in uu yahay Gacan ku dhiigle dil u geystay Ganacsade can ka ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaashaanle dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe oo ah Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in gacanta ay ku soo dhigeen nin uu ku sheegay in uu yahay Gacan ku dhiigle dil u geystay Ganacsade can ka ahaa

Magaalada Gaalkacyo.

 

Taliye ku xigeenka ayaa xusay in baaritaanno ay ku hayaan shaqsigaan ku eedeysan falkaasi dilka ah.

Waxaana uu ku nuux nuuxsaday in dilalka ku soo noq noqda Magaalada Gaalkacyo ay sabab u yihiin hubka buux dhaafiyay Magaaladaasi Gaalkacyo kaas oo haatan ay qorsheynayaan in ay wax ka qabtaan.

Ninkaan ay sheegeen Booliska Gaalkacyo in ay gacanta ku soo dhigeen ayaa lagu eedeeyay in uu dilay Ganacsade Magaciisa lagu soo gaabiyay Bashiir shalay Galinkii dambe , waxaanta haatan uu ku jiraa Xabsi ku yaallo Magaalada Gaalkacyo.

Dilkaan ayaa loo sababeeyay kadib muran dhexmaray Marxuumka iyo Ninka falkaasi dilka ah geystay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip