Madaxweynaha wejiyada badan ee Gabon, Cali Bongo, ee ka badbaaday isku day afgembI

0
Wednesday January 09, 2019 - 12:56:33 in Wararka by
  • Visits: 880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha wejiyada badan ee Gabon, Cali Bongo, ee ka badbaaday isku day afgembI

    Dadka qaar, wuxuu u yahay amiir edebta aanan la barin, oo u arka inuu xaq u leeyahay xukunka dalka saliidda qaniga ku ah ee Gabon; wuxuu mar ahaa fannaan, wuxuuna gashaday kabaha aabbihiis si uu u sii wado xukunka 50-ka sano ee qoyskiisa. Qaar kal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka qaar, wuxuu u yahay amiir edebta aanan la barin, oo u arka inuu xaq u leeyahay xukunka dalka saliidda qaniga ku ah ee Gabon; wuxuu mar ahaa fannaan, wuxuuna gashaday kabaha aabbihiis si uu u sii wado xukunka 50-ka sano ee qoyskiisa. Qaar kalena, wuxuu u yahay qof is beddel sameeyay - nin ay ku doodayaan, in si dimuqraadiyad ah ay shacabka u doorteen. Balse xaaladda caafimaad ee la soo deristay dhowaan ayaa xiisad ka abuurtay dalkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan labo milyan oo qof. Maalintii shalay ahayd, koox saraakiil dhalinyaro ah ayaa isku dayay afgembi dhicisoobay. Sida ay sheegeen saraakiishaasi wuxuu ahaa isku day "lagu soo celinayay dimuqraadiyadda"

Ali Bongo

GETTY IMAGES

.

Doorashadii sanadkii 2016, ayuu Bongo si dirqi ah ugu guuleystay iyadoo ay jiraan eedeymo la xiriira musuqmaasuq iyo qalalaaso.

Dibad-joogaha Gabon

Cali Bongo oo loo yaqaannay Alain Bernard Bongo wuxuu ku dhashay dalka deriska la ah dalkaas ee Congo-Brazzaville, bishii February sanadkii 1959.

Balse xitaa dhalashadiisu waxay ahayd mid lagu murmay. Warar aan la hubin ayaa sheegaya, in la deyriyay oo la korsaday isagoo laga soo kaxaystay koofur-bari Nigeria markii uu socday dagaalkii Biafra.

Alain Bernard weli wuxuu dhiganayay dugsiga hoose markii aabbihiis Cumar Bongo uu la wareegay xukunka Gabon sanadkii 1967.

"Laguma dhalin qasriga madaxtooyada, balse wuu ku sigtay. Wuxuu jiray qiyaastii siddeed sano markii uu aabbihiis madaxweyne noqday," François Gaulme, oo ah taariikh yahan Faransiis ah iyo qoraa wax ka qora siyaasadda Gabon, ayaa sidaas BBC-da u sheegay.

"Xaqiiqda ah inuu wax ka bartay iskuullada ugu wanaagsan Libreville isla markaana inuusan baran luqadaha dalkaas looga hadlo, waa wax uu hadhow ku muteysan doono cambaareyn."

Markii uu sagaal sano jirsaday, Cali Bongo waxaa loo diray iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaalla xaafadda Neuilly ee magaalada Paris, ee dalka Faransiiska, markii dambena, wuxuu galay Jaamacadda Sorbonne oo uu sharciga ka bartay.

Taariikhdiisa dibadda ayaa sababtay in dad badan oo reer Gabon ah ay u arkaan ajnabi.

Ali BongoLahaanshaha sawirkaSYLVIA BONGO ONDIMBA/ INSTAGRAM
Image captionCali Bongo waxaa u dhaxda gabadha Faransiiska u dhalatay ee Sylvia, oo halkan kula sawiran afartooda carruur

Alain Bernard ayaa la baxay Cali, aabbihiisna waxaa loogu magac daray Cumar sanadkii 1973, kaddib markii ay muslimeen - waxayna noqdeen labada qof keliya ee qoyskooda ka tirsan ee diinta Islaamka qaata.

Go`aankaas ayaa loo arkay mid lagu soo jiidanayo maalgashiga dalalka Islaamka. Balse aabbihiis oo aan markii horeba si fiican u haysan diinta Kirishtaanka ayaa beeniyay arrintaas.

Xiisihiisa muusikada

Cali Bongo weligiisba ma uusan jecleyn siyaasadda, si kastaba. Wuxuu markiisii hore muujiyay xiisaha uu u qabo kubadda cagta iyo muusikada - oo ah wax uu ka dhaxlay hooyadiis, oo ah heesaa u dhalatay Gabon laguna magacaabo Patience Dabany.

Sanadkii 1977 wuxuu soo saaray album cusub.

Ma cadda haddii uu weli jaceyl u hayo muusikada iyo haddii kaleba. Dhowaanahan, intii uu xilka hayay waxaa Cali Bongo la sheegay inuu ku raaxeysto heesaha jaaska.

Afar sano kaddib albunkaasi, wuxuu damaciisa u weeciyay siyaasadda.

Ali Bongo ayaa dowladdii aabihiis ka soo noqday wasriirka gaashaan-dhigga, oo uu muddo toban sano ah hayay.

Sanadkii 1989 waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda ee Gabon, balse wuxuu dhammaaday saddex sano kaddib markii uu dhacay isbedel dhanka dastuurka ah, kaas oo qasab ka dhigay in wasiir uu noqon karo keliya qofka ay da`diisa ka weyn tahay 35 sano. Xilligaas wuxuu jiray 32 sano.

Si kastaba, waxay u muuqataa inaan loo arkin mid si dabiici ah u dhaxlaya aabbihiis.

Wuxuu isku soo taagay doorasho, laakiin dadka reer Gabon uma aysan arkeyn musharrax ay dhab ka tahay doorashada.

Ali BongoLahaanshaha sawirkaSTEVE JORDAN/AFP/GETTY IMAGES
Image captionCayaar yahanka Argentine Lionel Messi ayaa booqday Gabon sanadkii 2015

Cod bixiyeyaasha Gabon ma aysan qanacsaneyn markii uu aabbihiis geeriyooday sanadkii 2009. Balse Cali Bongo ayaa isbeddel la yimid isagoo olole doorasho ku maray gobollada dalkaas.

Ugu dambeyntii Cali Bongo ayaa la doortay, isagoo helay 42% codadka.

Waxay ahayd mar uu shir maalgashi uga qayb galayay dalka Sacuudiga bishii October, sanadkii 2018 markii ugu horreysay ee isbitaal la dhigo. Wuxuu isla markiiba u baxay dalka Morocco dhammaadkii November, halkaas oo uu weli ku sugan yahay.

Waxaa loo maleynayaa in xaalad hubanti la`aan ah oo ku aaddan caafimaadkiisa ay sababtay isku dyagii afgembi ee dhicisoobay.

Waxayse tan muujineysaa in Gabon - oo ah dal ay inta badan dadkiisu sabool yihiin uu u baahan yahay isbeddel.

Haantan, si kastaba, waxay u muuqataa in awoodda ay weli haystaan madaxweynaha iyo xulafadiisa.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip