(FALANQEYN) Muxuu Noqon Karaa Xiriirka Cusub Ee Puntland Iyo Dowladda Federaalka?
Maxamed Nuur Caalin, oo aqoon dheer u leh Siciid Candullaahi Deni, isla markaana horay ula soo shaqeeyay ayaa BBC-da la wadaagay aragtidiisa ku aaddan arrintaas. Waxa uu noo sheegay in uu Siciid yahahay nin 30-kii sano ee ugu dambeysay ku sugnaa gudaha dalka Soomaaliya isla markaana siyaasadda ku soo biiray dabayaaqadii 1990-meeyadii.
Hase ahaatee marka la eego xiriirka dhex mari kara isaga iyo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku tilmaamay mid aan waji fiican lahayn.
Ol’olaha ka dhanka ah madaxda dowladda Federaalka
Dhanka kale Maxamed Nuur Caalin ayaa xusay in madaxweynaha cusub ee Puntland loo doortay uu yahay qof u dhow garabyada mucaaradka ee dhaqdhaqaaqyada ka wada Soomaaliya.
"Waxaa lagu tiriyaa iney isku dhow yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ila tahay in hadda uu ku biiri doono kooxda isbaddal doonka ah ee u xusul duubeysa in wax laga baddalo dowladda Muqdisho fadhisa” ayuu yiri.
Hase ahaatee waxa la sugaba waa wajiga uu rasmi ahaan u yeelan doono xiriirka maamulka Puntland, ee madaxweynaha cusub loo doortay maanta iyo dowladda Federaalka, oo iyadana la rumeysan yahay iney isha ku heysay natiijada doorashada.
BBC SOMALI
(FALANQEYN) Muxuu Noqon Karaa Xiriirka Cusub Ee Puntland Iyo Dowladda Federaalka?
Iyadoo maanta uu Siciid Cabdullaahi Deni ku guuleystay doorashada xilka madaxweynaha ee maamul goboleedka Puntland ayey dad badan isweydiinayaan sida uu noqon karo xiriirka ka dhaxeyn doona maamulkiisa iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya. Puntla