Diego Costa oo Kusoo laabanayo Kooxda Chelsea
Kooxda Kubada Cagta Ee Chelsea ayaa ku raad joogta qaabki kula soo saxiixan lahaayeen weerar yahan ka samata bixin kara dhibaatada kooxdooda ka heesata dhanka dhaliska.
Higuan iyo Benzema ayaa ah haatan xidigaha lala xiriirinaayo kuwaas haatan kooxohooda ku fashilmay oo goolal dhalin la' Blues ayaa dooneysa badalka dhabta ah ee Morata Iyagoo wax badan ku wareeray dooqooda ku aadan qaabka ay weerar yahaan ku heli lahaayeen bartama Xilli ciyaareedka.
Eden Hazard ayaa xidiga ugu goolasha badan kooxda Chelsea Xilli ciyaareedkaa kasoo dhaliyay 10-gool, Wiilka belgium-ka ma ahan xidig weerarka tooska ah ka ciyaara hadana dadaalo badan ayuu ugu jiraa qaabki uu guulo ku gaarsiin lahaa kooxdiisa halka Weerar yahanada kooxda Blues ay gabeen shqadooda iyo waajibkii dhaliska ka saaranaa.
Peter Crouch oo ah weeraryahan waqti badan ka ciyaarayay Horyaalka England Ayaa Si adag ula Taliyay kooxda uu hogaamiyo Sarri isagoona farta ugu fiiqay xidiga ku haboon kooxda Blues una Sheegay soo ceshashada Diego Costa ay tahay wadada kaliya ee Chelsea kaga samata bixi karto dhibaatada heesata.
"Chelsea waxay dhalisay goolal ka yar inta ay dhaliyeen lixda koox ee ugu waaweyn horyaalka” Peter Crouch ayaa sidaas u sheegay Daily Mail.
"Dib ugu laabo 38-kulan ee horyaalka kuguma filna 21-kulan si aad ugu guuleesato horyaalka, qaab daafacaaga oo wanaagsan waxba ma tareeyso ee waxaa loo bahan yahan yahy weerar”
Diego Costa oo Kusoo laabanayo Kooxda Chelsea
Kooxda Kubada Cagta Ee Chelsea ayaa ku raad joogta qaabki kula soo saxiixan lahaayeen weerar yahan ka samata bixin kara dhibaatada kooxdooda ka heesata dhanka dhaliska. Higuan iyo Benzema ayaa ah haatan xidigaha lala xiriirinaayo kuwaas haatan kooxo