Fudeeydku Naag iyo Dowladba uma roono!!!=Nasashada Jimcaha.Q-151-aad=

0
Friday January 04, 2019 - 23:52:02 in Wararka by
  • Visits: 984
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fudeeydku Naag iyo Dowladba uma roono!!!=Nasashada Jimcaha.Q-151-aad=

    Raali ahaada,Wax akhyaar loogu maahmaaho malehe. 1-Naag ayaa timid Gurigeeda Habeen barkii ,markii ey gashay Qolkii Jiifka ,waxa ey Sariirta ku aragtay Afar Lugood oo Go'isku daboolay. Ul weyn oo Bir ah ayeey soo qaadatay, Garaacii ey kor uga s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raali ahaada,Wax akhyaar loogu maahmaaho malehe. 1-Naag ayaa timid Gurigeeda Habeen barkii ,markii ey gashay Qolkii Jiifka ,waxa ey Sariirta ku aragtay Afar Lugood oo Go'isku daboolay. Ul weyn oo Bir ah ayeey soo qaadatay, Garaacii ey kor uga soo bilaawday illaa hoos, waxa ey joojisay markii ey wax nuuxsada weeysay. Kadibna waxa ey aaday qolka fadhiga si ey ugu nasato, waxa ey ugu tagtay Ninkeedii oo Joornaal aqrisanayo. Waxa uuna ku yiri: Macaanto, Ma soo Salaantay, Caawa waxaa noo yimid waalidkaa , aad ayey u daalanaayeen, iska dhaaf halkooda caawa ha seexdeen ,annaguna Fadhiga ayaan Jiifaneynaa.

(Fudeeydku Naag iyo Dowladba uma roono)

2- Nin shaqaale ah ayaa la weeydiiyay, haddii Nalka Xafiisku Gubto, Meeqo Siyaasi ayaa loo bahan yahay si Nalka loo bedelo? Waxa uu yiri: Anniga oo waaya aragnimadeyda la kaashanayo, si Nal xafiiseed loo bedelo, waxaa loo Baahanyahay Seddax Siyaasi: Mid Jabiya, mid soo iibiya iyo mid ku xira. Waxaa lagu yiri: waxaa tahay shaqaale waayo arag ah oo Siyaasiyiinta la shaqeysan karo. ( F.S: 1aad)

3- Oday Yuusuf oow nuur AUN, ayaa habeen kasta waxa uu ku soo tukan jiray Salaadda Ceshaha Masjid Gurigiisa u dhaw. Habeen ayuu Gurigii ka dhumay. Waxa lagu yiri: Oday Yuusufoow maxaa kugu dhacay? Waxa uu yiri: (Nin Meel uu yaqaan ka dhumay, meel uuna Aqoon ayuu u socdaa). Aakiro

( Xildhibaanno badan ayaa dad ay yaqiineen, Aqaani waayay, intey u socdaan? Ma xilkey wey rabaa!!!)

4- Sheeydaan ayaa Dameer Geed ku xiran ka furay xariggii. Dameerkii Beer ayuu galay, waxa uuna cunay Dalagii Beerta. Ninkii Beerta lahaa Xaasikiisii ayaa u timid, waxa eyna dishay Dameerkii waana dhintay. Waxaa yimid Ninkii Dameerka lahaa oo Qori wata, waxa uuna dilay Naagtii. Waxaa yimid Ninkii Naagta qabay waxa uuna dilay Ninkii Dameerka lahaa.

Sheeydaankii ayaa la weeydiiyay war maxaad sameeysay? Waxa uu yiri: Annigu wax weeyn ma sameeyn Cidna ma dilin ee Dameer ayaan xarig ka furay oo kaliya. ( F.S: 2aad)

( Ar maxaa Siyaasiyiin badan oo wax ku dheelay ey dhihi doonaa, annigu Dameeraan Xatig ka furay oo kaliya, ee shacabkaa eeda iska leh)

5-Cali iyo Cabdi oo ahaa Labo wiil oo 20 jiro ah, ayaa waxa ey ku ballameen guurka ka hor in ey doob ahaadaan oo aan wax la taaban. Muddo kadib ayeey Baar isku arkeen. Cabdi ayaa ku yiri: Saaxiiboow beryahaan kuma arag, hore waxad iigu iman jirtay guriga Hooyadee. Cali ayaa yiri: Xalay ayaan tagay gurigiina adaa maqnaa.

Cabdi ayaa yiri: Warkaa naga dhaafe , 6 bil kuma arage weli doob bakro ah ma tahay? Cali ayaa yiri: wixii Xalay ka horeeyay. Cabdi ayaa yiri: side?. Cali ayaa yiri: Walaashaa weeydii. ,Cabdi ayaa yiri: Gabaruba ilama dhalan, yaa walaashey ah? Cali ayaa yiri: Sagaal billood kadib ayaad yeelanee.( F.S: 3aad)

(Dadka qaar ballana male ,aaminna ma galaan ee Dowlado aadan ka fileeyn yeeyna ku dardarin Somaliyeey).

6-Nin ayaa Bus soo raacay waxa uuna ag fadhiistay Naag aad u qurxan oo "Soora” "Nun” ah (Haweeynka Gaalada ah ee Kaniisada ka shaqeeya). Xoogaa markii uu u sheekeeyay ayuu ka codsaday in uu u galmoo karo, weey diiday Buskiina waa ka degtay.

Waxa uu u tagay Darawalkii Buska waxa uuna ku yiri: waxaan ku weeydiiyay” Sooro” sidee loo shukaansadaa, Tii Buska saarneed waa i diidaye. Darawalkii ayaa ku yiri: Tan anigaa Aqaan maalin kasta ayey Buska soo raacdaa, haddii aad rabto, Caawa 4 saac waxaad tagtaa Qubuuraha Kaniisadda ka dambeeyo ee mugdiga ah , Halkaa ayeey ku duceysataa, waxaadna u soo labisataa sidii Baadari Sare( wadaad Gaalo).

Ninkii meeshii ayuu tagay, waxa u soo oraday Sooradii oo ku tiri: Baadari Saacaddaan inteed u socootaa? Waxa uu ku yiri: Jannada ayaa Caawa la iga wacay. Waxa ey ku tiri: aan ku raaco, waxa uu ku yiri: qof daacad ah ayaa i raaci karto. Waxa ey tiri: waan ahay daacad. Waxa uu yiri: Haddii aad run sheegee marka hore aan kuu galmoodo, waxa ey tiri: waan ogolahay laakin Bikro ayaan ahay. Laakin dhinaca kale Reer Qoomu Luud ayaan ogolahay. waa ka ogolaaday.

Markii uu hoowshiisii dhameystay, ayaa isga oo qosol ku digasho ah qoslaya, ayuu dharkii iska qaaday, kuna yiri: waxaan ahay Ninkii aad Maanta, ku booday Buska Dhaxdiisa. Iyadiina dharkii ayeey iska qaaday, waxa eyna ku tiri: si fiican ii fiiri, waxaan ahay wadihii Buska. ( F.S: 4aad)

( Ar Gaalo, Dembi badaanaa, iska jir xatta Diin, Xumaan waa ku raadiyaan. Ar maxaa Xamar Siaasiyiin is og haddana is dhagrayaan, Aakiro waraa jira)

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip