Real Madrid oo soo saartay liiska weeraryahanada ay doonayaan

0
Wednesday January 02, 2019 - 23:25:32 in Wararka by
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid oo soo saartay liiska weeraryahanada ay doonayaan

    Tan iyo bilawgii xilli ciyaareedkan, Real Madrid ayaa waxa ay la dhibaatooneysay dhibaatooyin dhanka weerarka ah, waxaana muuqata inay dareemayaan ka tegitaankii kooxda ee Cristiano Ronaldo. Captain-ka Portugal ayaa xagaagii ka dhaqaajiyay Bernabeu,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo bilawgii xilli ciyaareedkan, Real Madrid ayaa waxa ay la dhibaatooneysay dhibaatooyin dhanka weerarka ah, waxaana muuqata inay dareemayaan ka tegitaankii kooxda ee Cristiano Ronaldo. Captain-ka Portugal ayaa xagaagii ka dhaqaajiyay Bernabeu, waxaana uu ku biirray kooxda Juventus. Balse tan iyo markaas, Los Blancos ayaa gashay jahwareer xooggan, waxaana hoos u dhacay tayadii Gareth Bale iyo Karim Benzema, kuwaasoo ku guuldarreysay inay si wacan u caawiyaan kooxdooda.

Sidoo kale ma aysan sameyn saxiixa beddelka CR7, waxaana taasi ay dhalisay in bishan January ay markale isku dayaan sidii ay beddelkiisa kusoo heli lahaayeen.

Sidaas darteed, waxaa jira shan ciyaaryahan, kuwaas oo ay Real Madrid dooneyso inay lasoo saxiixato si ay beddel ugu noqdaan Ronaldo.

Captain-ka Inter Milan ee Mauro Icardi ayaa hooggaaminaya liiskan, kaasoo muddo fog bartilmaameed u ahaa kooxda Los Blancos.



Weeraryahanka RB Liepzig ee Timo Werner ayaa qayb ka ah shanta xiddig ee ay dooneyso Madrid inay weerarkeeda kusoo darto, iyadoo 22 jirkan uu ku jiro qaab ciyaareed sare.

Kyrzystof Piatek ayaa qayb ka ah xiddigaha diiradda Saaran Real Madrid, waxaana 23-jirka reer Poland u yahay mid dhaliyay 16 gool oo Serie A ah, ka dib 19 kullan.

Bas Dost ayaa isna ka mid ah xiddigaha liiskan ku jira, balse waxaa si aad ah loola yaabban yahay in da’diisa ay tahay 29, misena hadda uu yahay mid gooldhalintiisa ay tahay heer sare, maadaama kooxda Sporting Lisbon uu dhaliyay 71 gool, 70 kullan oo uu u ciyaarray.

Fernando Llorente ayaa ka mid noqday bartilmaameedyada ay Los Blancos dooneyso inay ka qayb dhigto qorshaheeda suuqa kala iibsiga, iyadoo 33 jirka reer Spain uusan mustaqbal ifaya ku lahayn kooxda Tottenham Hotspur.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip