Su'aalo badan oo aan Jawaab u waayay.

0
Wednesday January 02, 2019 - 21:56:42 in Wararka by
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Su'aalo badan oo aan Jawaab u waayay.

    1-Hoobiye ayaa Xalane Ku soo dhacay maanta, Mareykanka ayaa usbuucii hore u sheegay Dadkiisa Mogadishu jooga in khataru soo socoto. Hoobiyuhu ma waxa uu ahaa jawaab, in aan run sheegaayay ogaada? Mise waa sii ogaa ayaa dhab ah? 2- Hayadaha Caalamiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Hoobiye ayaa Xalane Ku soo dhacay maanta, Mareykanka ayaa usbuucii hore u sheegay Dadkiisa Mogadishu jooga in khataru soo socoto. Hoobiyuhu ma waxa uu ahaa jawaab, in aan run sheegaayay ogaada? Mise waa sii ogaa ayaa dhab ah? 2- Hayadaha Caalamigaa haddii ey been Ka sheegaan dhaqaalaheena iyago oo leh waa kobcay, ma Ku amaaneynaa beentaa? Haddii ey run Ka sheegan in Baydhabo shacab lagu dilayna, ma Ku dhaliileynaa? 3- UN haddii ey xanaaqdo in ey tiraa Asgari miskiina oo amarkii la siiyay fulinaya ayaan mushaarka Ka jareeynaa sax miyaa? Mise Ciddii Amarka bixisay ayaa dambiga leh?.

4- Mr. Hayson Isaga oo Dalka Ka maqan oo fasaxii Sannadka cusub Ku maqan oo aan Somalida war galin in uu Go’aankaa soo saaro sax maku yahay?

5- Mr.Hayson oo Nin South African ah oo kaliya in la eryo, waddamada kale ee Go’aankaa wax Ka qaatayna laga aamuso sax miyaa’, Soow ma habooneyn in marka hore digniin looga diro UN arrinta Mr Hayson ?

6-Mr.Hayson markiisii horeba sooma magacaabin Xoghayaha guud oo kaliya ee waxaa Isla ogolaaday 5ta Dowlad ee Vito-ga leh, somaliduna waa ogolaatay, halkaa culeys maku jiraa?

7- Haddii Dadka Reer Baydhabo ey ” Persona Non Grata” PNG, eey Ka keenaan Lafta Gareen Mogadisho ma aqbalee, UN Ninkii ey soo magacaawday in laga keeno PNG ma ogolaan?. Warqada wasaarada arrimaha dibadana ( tan aan arkay) waxaa Ka maqan dhamaan tixraac, looma cuskan, Qodobadii saacidi lahaa eedeeynteena sida: Geneva conventions, sharciyada Diplomatic-ga ah ee la wada saxiixay, xeerarka caalamigaa ee ku xadgudubka madaxbanaanida ee Mr Hayson uu Ku xadgudbay, sharciyada UN-ka oo hadaan cuskano qoraalkeena culeys u yeeli lahaa.waxa ey u ekaanee eedeeyn aan sharci loo cuskan, soow ma habooneyn in lagala tashado Somalida baratay shuruucda caalamiga .?

8- waddamada deriska ah ma joogo wakiil Xoghayaha guud, maxa markii horeba adiga laguugu keenay ma ogtahay?

9-Soow ma fiicneyn in Go’aanka Somaalidu maalmo dib u dhigto, waddamo Ku taageerana ey raadsato, mise laga yaabaa in Eriterya oo kaligeed nagu taageeetay, horayna Colaadu ugala dhexeysay UN-ka in ey arrinta nagu sii xumeeyso?

10-waxa hore loo arki jiray haddi Dowladu PNG ay Ka keento Nin Diblomaasi ah in laga bedelo, waana laga yaabaa in nalaga ogolaado oo Nin cusub naloo keeno, Laakin go’aankii uu gaaray Mr Hayson isma bedelayo, Caalamku Fudeyd ma u arkaa , waa markii 3aad oo Sannad dhexdii aan diidno Diblomaasiyiin waddamo culus ey soo magacaabeen, Adigu taa mala socotaa?

11-kuwa Mucaardaka ah ee taageeray warqada Mr Hayson, ma fiirin miyaa dhibaatada Dalka uga imaan karto ee waxa ey fiiriyeen Somalida ey mucaardka Ku yihiin oo kaliya, kuwa Muxaafadka ah ee taageeray jawaabta Deg dega ah, ma waxa ey fiiriyeen oo kaliya in Mucaardaka waji kale in la tuso ee ma fiirin miyaa waxa Dalka uga halaabayo? Ma u maleeysaa in eyna jirin, waaya aragnimo iyo khibrad siyaasadeed.

12- malaga yaabaa in ey tahay, bilawgii qorshe AMISOM ha Naga baxdo ah, si Laba waddan oo la daneynayo ciidamo looga keeno, ma ogtahay 2da waddan laftooda in sida AMISOM Caalamku u xakumo oo Amar Soomaalida lidi Ku ah la soo sii Karo?

13- iyo kuwa kale, waqti uma heysid ayaan filayaa.

Haddii arrin masiiri ah aad Ka fekereeyn dhincya badan ayaa wax la iska weeydiiyaa, Laakin ma rabo intaan Ka badan in aan Ku weeydiiyo.

FG: Haddii aan siyaasi ahay kumaba weydiiyeen su’aalahaan ee aniga Jawaabtaan rabo isku qanci lahaa. Haddii aad Saddax midkood tahay ha iiga jawaabin: Siyaasi, qof maskaxdiisu tahay (Full memory) Muxaafad ama Mucaarad ah, oo aan leheyn arragti uu u madax banaanyahay.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip