Qoraalkii 1-aad ee Sannadka 2019 iyo

0
Tuesday January 01, 2019 - 23:50:19 in Wararka by
  • Visits: 920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoraalkii 1-aad ee Sannadka 2019 iyo

    Cudur daar. Walaalkey/ walaasheey, ha iiga xumaan, muxuu Yaxya kuugu soo Diri waayay Hambalyada Sannadka cusub ee 2019, dadka kaleba waa u diryaye. Ma jirto Cid aan ugu Hambalyeeyay Sannadka cusub, Walaalaha oo dhan. Markii aan Ka fiiriyay dhinacyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudur daar. Walaalkey/ walaasheey, ha iiga xumaan, muxuu Yaxya kuugu soo Diri waayay Hambalyada Sannadka cusub ee 2019, dadka kaleba waa u diryaye. Ma jirto Cid aan ugu Hambalyeeyay Sannadka cusub, Walaalaha oo dhan. Markii aan Ka fiiriyay dhinacyo badan gaar ahaan Dhinaca Diinta iyo Nuxurka Hambalyada. (Bilaha Sannadka wax Isaga xisaabo Haddad doontid, Laakin haka dhigin bilaha Miilaadiyada, bilo Xurmo gaara leh, waa bilo loogu magac daray Boqoro aan diin laheyn iyo wixii ay caabudi jireen,Asal ahaanna waa xaflad diineed Ku saleysan diin kale oo aan tan Islaamka aheyn).

Bishaaro

Taa bedelkeeda waxaa kuugu Bishaareeynayaa, in Sannadkaan 2019 aadan Ka walwalin Saddax marti, waqtiga ey kuu imaanayaana, illeyn waxa ey kuu soo garaacayaan iridda adiga oo aan la balansaneyn. Hore ayeeyna kuugu diiwaan gashanaayeen Waa:

Risqiga kuu qoran.

Qadarka ALLE waxyaabaha kale ee kuugu qoran.


iyo waqtiga aad Dunida Ka tageeysid.

12ka billood ee soo socota Hambalyada Badalkeeda waxaan kuugu Duceeynayaa.

1-Risqi Xalaal ah.
2- In ey wanaag noqdaan waxa xaga ALLE lagaaga Qadaray.
3-iyo in Geeridu kuu timaad ALLAAH oo Raali kaa ah.

Aamiin, Aamiin, Aamiin.

Mar kale, Ha iiga xumaan in aanan sannadka dartii kuugu Hambalyeeyn. igana Aqbal cudurdaarka aan uga cabsaday Hambalyada.

Nolosha Ku Dadaal Laakin ha dhararin, Saddaxdaa Marti.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip