Waa kuma saxiixa kaliya ee tababare Jurgen Klopp uu ka doonayo suuqa kala iibsiga
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya England Liverpool ayaa doonaysa in ay kaliya hal saxiix ay ka samayso suuqa kala iibsiga bishan janaayo.
Daily Mail ayaa fahansan in daafaca Bristol City garabka bidix ee kaga ciyaara ee Lloyd Kelly uu noqon doono saxiixa kaliya ee tababare Klopp uu suuqa kasoo qaadan doono bishan.
Tababraha Bristol Lee Johnson ayaa horay u sheegay in 21-jirkan heerka caaalami ee reer England uu xiisa ka helayo kooxo dhawr ah oo ka ciyaara Premier League.
Sida uu baahiyay Waragayska Club Call, Liverpool ayaa si aad ah isha ugu haysa Kelly, kaas oo waqtigan kabtan ah xulka England ee da’doodu ka hoosayso 20-ka sano.
Wararka ayaana intaas kudaraya in kormeerayaal kasocda Liverpool ay daawadeen kulankii ay Bristol City ay guul darrada ka qaadatay Leeds United bishii November ee sanaddii na dhaaftay ee 2018.
Tababare Jurgen Klopp ayaana doonaya in uu daafacan da’da yar baddal uga dhigo Alberto Moreno oo ku fashilmay in uu kasoo dhalaalo shaxda Reds
Waa kuma saxiixa kaliya ee tababare Jurgen Klopp uu ka doonayo suuqa kala iibsiga
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya England Liverpool ayaa doonaysa in ay kaliya hal saxiix ay ka samayso suuqa kala iibsiga bishan janaayo. Daily Mail ayaa fahansan in daafaca Bristol City garabka bidix ee kaga ciyaara ee Lloyd Kelly uu noqon do