FAALLO:-Maxaa Laga Filan Karaa Geeddi-Socodka DFS, Kadib Khilaafyadii Siyaasadeed Ee Ragaadiyey ?

0
Monday December 31, 2018 - 22:19:27 in Wararka by
  • Visits: 836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO:-Maxaa Laga Filan Karaa Geeddi-Socodka DFS, Kadib Khilaafyadii Siyaasadeed Ee Ragaadiyey ?

    Sannadka saacadaha kooban ka harsan yihiin waxaa lagu xusuusan doonaa Galaangalkii DFS, Siyaasadaha Is-diidan, Khilaafka Golayaasha Qaranka iyo kuwa ay DFS iyo DG ku kala irdhoobeen. Qiimeyn kasta oo lagu sameeyo Waxqabadka DFS ee sannadka 2018-ki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sannadka saacadaha kooban ka harsan yihiin waxaa lagu xusuusan doonaa Galaangalkii DFS, Siyaasadaha Is-diidan, Khilaafka Golayaasha Qaranka iyo kuwa ay DFS iyo DG ku kala irdhoobeen. Qiimeyn kasta oo lagu sameeyo Waxqabadka DFS ee sannadka 2018-kii waxaa hubanti ah inay ku tallaabsatay Horumar iyo Dib-u-dhac, inkastoo uu Dib-u-dhacu saamayn ku yeeshay Hawlihii Golayaasha Qraanka iyo kuwa DG. DFS sidii Dowladihii ka horreeyey waxay caqabado ka haystaan dhanka Ammaanka, iyadoo dadweynuhu la daalla dhacayaan amni-xumi iyo Waddooyinka oo mararka qaarkood looga xanibo Madax dhoofaysa iyo Wafuudda Caalamiga ee boqashadda ku yimaada Somalia. DFS caqabadda dhanka Ammaanka ka sokow waxaa u soo labeeyey Dagaal-siyaasadeedka DG, kuwaasi oo iyagu isku bahaystay sidii ay DFS ugu dhigan lahaayeen Isbaaro dabri kara Dhaqdhaqaaqa Guud ee Golayaasha Qaranka. Mashaqo Siyaasadeed kale ayaa laga badbaaday, kadib, markii ay qaar ka mid ah Madaxda Golayaasha DF uu Khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay, kaasi oo dhowr isbuuc dib u dhigay Hawlihii Golaha Shacbiga Qraanka.

 
Isla-xisaabtan dood ka dhashay iyo Mooshin ay qaar ka mid ah Xildhibaanadda BFS ka keeneen Madaxweynaha ayaa waxaa ugu dambeyntii loo helay Xaal-mastuur ku dhisan Isku-tanaasul, sida laga dareemi karo Heshiiska damiyey Ololkii Khilaafkaasi.

Sidoo kale, Khilaafka DF iyo DG ayaa u muuqda mid weli loo caal la’ yahay, waxaana muuqata in Hesjiis la’aanta labada dhinac sababayso inay xaalladu sii daba dheeraato, oo ay madaxa la sii gelayso sannadka cusub ee 2019-ka ee Tirsiga Miilaadiyadda./

Waxaana muuqata inay Madaxda DG ugu tunka weyn hami ka qabaan in dib loogu soo dooran doono Doorashooyinka ku soo fool leh.

Madaxweynaha xilligiisu sii dhamaanayo ee DG Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas waxa uu dhawaan sheegay inuu doonayo in mar kale xilkaasi ku guuleysto, marka la gaaro Doorashadda Puntland ka dhici doonta bishan Janaayo 8-da ee sannadka 2019-ka.

Sidoo kale, Madaxweynaha DG Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa isagana galangal kasta ugu jira sidii uu mar kale u sii hoggaamiyo Jubbaland.

Xaalladdaha aan weli horumarka siyaasadeed laga gaarin waxaa ka mid ah Wada-xaajoodkii DFS iyo Somaliland oo hakad galay, isla markaana ay labada dhinac isku fahmi la’ yihiin Ajendaha Guud ee Wada-hadalkaasi.

Maamulka Somaliland ee gacanta ku haya Goballadda W/G, Togdheer, Awdal iyo qeybo ka mid ah Gobalka Sanaag ayaa xusul-duub ugu jirta inay Caalamka ka helaan Ictiraaf, balse weli kuma aysan najixin Gooni-isku-taagooda oo soo socday tan iyo Burburkii Dowladdii Somalia sannadkii 1991-kii.

Si kastab ha ahaatee, marka doc kasta laga eego Geeddi-socodka DFS waxa laga dareemi karaa Horumar xadidan iyo caqabado siyaasadeed, amni, horumar iyo Deganaansho la’aan Siyaasadeed, waxaana ay isweydiintu tahay Maxaa laga filan karaa Geeddi-socodka DFS, kadib khilaafyadii Siyaasadeed ee ragaadiyey ?

 

Hoos ka Dhageyso Faallada oo Cod ah,waxaana soo jeedinaya Wariye Xasan Nasiib Maxamed

Audio Player
 
00:00
XIGASHO:- RADIODALSAN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip