FT: Milan oo waddada guulaha cagta soo saartay ka dib markii ay ka taqalluseen SPAL

0
Sunday December 30, 2018 - 09:58:56 in Wararka by
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FT: Milan oo waddada guulaha cagta soo saartay ka dib markii ay ka taqalluseen SPAL

    Kooxda kubadda cagta ee AC Milan ayaa guul gaartay kullan ka tirsan horyaalka Serie A maalmo adag ka dib. Roseneri ayaa ka taqallustay kooxda SPAL ciyaar goor dhow soo idlaatay oo ka dhacday garoonka San Siro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta ee AC Milan ayaa guul gaartay kullan ka tirsan horyaalka Serie A maalmo adag ka dib. Roseneri ayaa ka taqallustay kooxda SPAL ciyaar goor dhow soo idlaatay oo ka dhacday garoonka San Siro.

Bilawgii ciyaarta ayaa Milan loogaga naxsaday goolka koowaad, waxaana SPAL ay gool ka heshayA.Petagna daqiiqaddii 13-aad.

Balse Milan ayaa goolka bareejada soo celisay ka dib markii Samu Catillejo uu dhaliyay daqiiqaddii 16-aad.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay natiijo 1-1 ah.

Markii dib la isugu soo laabtay ayay kooxda Macallin Gattuso hooggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana goolkaas dhaliyay Gonzalo Higuain daqiiqaddii 54-aad ee ciyaarta.

Daqiiqaddii 89-aad ee ciyaarta waxaa kullanka cassaan loogaga saaray Suso, ka dib markii uu laba jaalle qaatay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip